Warbixin cusub oo ka soo baxday wargeyska Isbaanishka ee Marca ayaa daaha ka qaaday in Real Madrid aysan qorsheynin inay la saxiixato daafaca reer Netherlands ee Virgil van Dijk, kaasoo qandaraaskiisu ku egyahay bisha Juun ee soo socota.
Van Dijk, oo 33 jir ah, ayaa tan iyo markii uu ku biiray Liverpool sanadkii 2018, wuxuu noqday tiir-dhexaadka difaaca kooxda, isagoo ka caawiyay inay ku guuleystaan horyaalka Premier League iyo Champions League. Si kastaba ha ahaatee, iyadoo qandaraaskiisu dhamaanayo, mustaqbalkiisa ayaa noqday mid la hadal hayo.
Sida laga soo xigtay Marca, Real Madrid ma aysan bilaabin wax wadahadal ah oo ku saabsan suurtagalnimada la soo wareegidda Van Dijk, inkastoo lagu heli karo beeca xorta ah xagaaga soo socda. Kooxda reer Spain ayaa u muuqata inay diiradda saarayso ciyaartoy kale si ay u xoojiso difaaceeda.arrintan ayaa loo sababeeyay in Van dijk da’ahaan uusan haatan kasii ciyaari karin heerka sare ee kubadda cagta.
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in tani aysan ahayn markii ugu horreysay ee magaca Van Dijk lala xiriiriyo Real Madrid, balse kooxda ayaa markasta muujisay inaysan xiiseynaynin saxiixiisa.
Inkasta oo ay jiraan warar xan ah oo ku saabsan mustaqbalka Van Dijk, Liverpool ayaa weli rajo ka qabta inay heshiis cusub la gaarto daafaceeda muhiimka ah, iyadoo taageerayaasha ay sugayaan war rasmi ah oo ku saabsan sii joogitaankiisa Anfield.