Manchester United ayaa ku adkeysaneysa in kulanka Premier League ee ay la ciyaarayaan Nottingham Forest uu u dhaci doono sidii la qorsheeyay caawa.
Walaaca laga qabo inuu baaqdo kulanka Old Trafford ayaa yimid ka dib markii la joojiyay kulankii Merseyside derby ee u dhaxeeyay Everton iyo Liverpool ee ka dhici lahaa Goodison Park.
Ciyaarta Liverpool iyo Everton ayaa loo baajiyay xaaladaha cimilada xun ee ay sababtay dufaanta xoogan ee ku dhufatay UK.
Kaliya 35 mayl ayay isku jiraan magaalooyinka Liverpool iyo Manchester ee waqooyi-galbeed ee England ku yaala, laakiin United ayaa sheegtay in kulanka ay la ciyaarayaan Forest uu u dhici doono sidii loo qorsheeyay.
Si kastaba ha ahaatee, kooxdu waxay sheegtay inay sii wadi doonto la tashiyada masuuliyiinta ay qusayso arimaha cimilada ka hor bilowga ciyaarta.
Kulanka caawa Premier League ee Old Trafford ka dhacaya ee u dhexeeya Manchester United iyo Nottingham Forest ayaa la qorsheeyay inuu u dhaco sidii loogu talo galay,” United ayaa ku tiri bayaan ay soo saartay goordhaw.
Kulamada League One, Blackpool vs Rotherham, Bristol Rovers vs Bolton iyo Crawley vs Stevenage ayaa dhamaantood la baajiyay, sidoo kale Barrow vs MK Dons, Newport vs Carlisle iyo Notts County vs Colchester oo ka tirsan League Two ayaa la joojiya.
Si kastaba ha ahaatee, jadwalka Premier League ee ciyaaraha sabtida ayaan weli wax saameyn ah ku yeelan xaalada cimilada ee xun marka laga reebo kulankii Liverpool vs Everton oo baaqday.