Dheemanka Real Madrid ay leedahay Endrick ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee Brazil iyadoo xulka shanta jeer ku guuleystay Koobka Adduunka ay garoonka Wembley 1-0 uga badiyeen xulka England oo soo bandhigay qaab ciyaareed liita.
17 jirkaan ayaa xagaagan u wareegaya Real Madrid ka dib markii ay hishiis 62 milyan ginni la gaareen Palmeiras. Laakiin waxa uu Yurub tusay qeyb yar oo ka mid ah tayadiisa isagoo dhameystir fiican sameeyay ciyaarta oo sagaal daqiiqo ay ka harsan tahay ka dib markii goolhaye Jordan Pickford uu fursad hal ka hal ah ka badbaadiyay Vinicius Jr.
Endrick ayaa bedelay ku soo galay waqti yar ka hor goolkiisa, waxaana uu u dabaaldegay si waali ah. Pickford ayaase ka beeniyay gool labaad waqtigii dhimashada ciyaarta.
Brazil ayay aheyd hogaanka u qabato ciyaarta waqti hore iyadoo Kyle Walker uu isku dhaawacay kubad uu xariiqda goosha ka badbaadiyay oo ka timid Vinicius Jr halka sidoo kale Rodrygo uu fursad fiican qasaariyay ka dib qalad uu sameeyay Harry Maguire.
Lucas Paquesta ayaa England sidoo kale birta u garaacay iyadoo England ay ka liidatay dhanka daafaca.
Xulka Gareth Southgate ayaa u baahan inay wax badan iska saxaan gaar ahaan dhanka daafaca marka ay wajahayaan xulka Belgium maalinta Talaadada, waxayna u baahan yihiin guul si ay kalsoonidooda sarre u kacdo ka hor Koobka Qaramada Yurub ee xagaagan ka dhacaya dalka Jarmalka.