Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la sheegay inay isla meel-dhigeen xiddiga reer France ee Kylian Mbappe booska uu ka ciyaari doono marka uu kooxdaas u wareego, iyadoo maalmaha soo socda la filayo in laacibkani uu si rasmi ah u shaaciyo mustaqbalkiisa.
Semi-finalka Champions League ee ay PSG la ciyaari doonto Borussia Dortmund ayaa haddii ay guul-darraysato waxa uu Kylian Mbappe ku dhawaaqi doonaa mustaqbalkiisa iyadoo la isku raacsan yahay inuu tegi doono Santiago Bernabeu.
Inkasta oo aanay wali Real Madrid iyo ciyaartoygan midkoodna ku dhawaaqin inay heshiiyeen, haddana waxa ay warbaahinta Spain sheegtay in Mbappe uu sii doortay booska uu uga ciyaari doono Real Madrid, waxaana nafisay Vinicius Junior oo uu Mbappe u nabad-gelin doono booska garabka bidix ee weerarka.
Wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay, in Mbappe uu ka ciyaari doono booska No.9 si uu u dhaliyo goolal badan, iyadoo dhinacyadana ay ka caawin doonaan Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes halka Jude Bellingham uu noqonayo xiddiga laga doonayo inuu indho furnaan iyo kubbado la tuuro ku habo xiddiga Faransiiska.
Wargeyska AS oo soo xiganaya qof u dhow Mbappe ayaa yidhi: “Mbappe waxa uu ogsoon yahay ku biiritaanka Real Madrid ay u fududayn doonto inuu si sahlan ugu guuleysto Champions League iyo Ballon d’Or. Haddii uu sidoo kale ku guuleysto Golden Ball, dhamaantood way u fiican yihiin. In uu ka ciyaaro booska No.9 ayaa uu doorbidayaa si uu goolal badan u dhaliyo.”