Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa waajahaya waqti adag marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda, waxaana macasalaamayn doona shaqsiyaad qayb weyn ka ahaa sumcadda uu yeeshay horyaalku, sidoo kalena usoo jiiday taageereyaal badan.
Laga bilaabo tababare Jurgen Klopp oo bixitaankiisu dhaawac weyn u geysan doono Liverpool iyo karaamada horyaalka Premier League intaba, lasoo gaadho Salah oo sii curyaaminaya Anfield iyo xataa Kevin De Bruyne oo sida balagga loogu lulayo kiishash lacag ah.
Sida ay warbaahinta waddanka Ingirisku ku warramayso, Mohamed Salah oo ay 12 bilood ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa Liverpool ayay u badan tahay in aanu sii joogi doonin Anfield xilli-ciyaareedka dambe, isla markaana aanu qayb ka noqon doonin dib-u-cusboonaysiinta maamul ee naadigu gelayo.
Jurgen Klopp oo ahaa shaqsigii seeska u dhigay guulaha Liverpool ee soddonka sannadood maqnaa, ayaa inkasta oo uu Salah sheegay in aanu saamayn ku yeelan doonin waxa haddana la sheegay in Liverpool ay ka fiirsanayso inay ka iibiso kooxaha doonaya haddii ay dib usoo celiyaan dalabkii xagaagii ay diideen ee ahaa £150 milyan oo Gini.
Al Hilal ayaa waxa ay u haysaa Salah qandaraas saddex sannadood ah oo uu ku qaadan doono lacag ka badan £138 milyan oo Gini sannadkiiba, waana isla mushaharka uu waqtigan Neymar ka qaato kooxdaas.
Marka laga yimaaddo Mohamed Salah, waxa kale oo la sheegay in Kevin De Bruyne uu haysto dalab uu lacag badan ku helayo oo miiskiisa saaran oo uu go’aan ka gaadhi doono xagaaga, kaas oo ay suurtogal tahay inuu ku tago Sucuudiga.
De Bruyne iyo Salah ayaa la filayaa in ay Sucuudiga u raaci doonaan labada ciyaartoy ee Manchester United ee Casemiro iyo Raphael Varane oo galay cimrigii dhaqaale raadinta, kuwaas oo qaadaya dariiqa ay mareen saaxiibbadoodii hore ee Real Madrid ee Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema, kaas oo ay hore u mareen Neymar, Sadio Mane, Roberto Firmino iyo xiddigo kale oo waaweyn.
Si kastaba ha ahaatee, walaaca ugu badan waxa uu ka taagan yahay Liverpool oo uu bud-dhigahooda Jurgen Klopp ka tegayo xagaaga, kaas oo bixitaankiisu uu sidoo kale wiiqi doono loollankii ka jiray horyaalka Premier League.