Xiddiga Manchester City, Bernardo Silva, ayaa si adag uga falceliyay eedeymaha sheegaya in kooxda ay gaboobayso, taasoo loo sababeynayo hoos u dhaca qaab ciyaareedkooda xilli-ciyaareedkan.
Isagoo la hadlayay warbaahinta, Silva ayaa si caro leh u yiri: “Ii sheeg, ciyaaryahan kee? Ii soo sheeg magacyadooda! Dadka sidaas leh waa kuwa aan fahmin ciyaarta.”
Silva, oo 30 jir ah, ayaa xusay in xiddiga khadka dhexe ee City, Mateo Kovacic, uu isna 30 jir yahay, isagoo su’aal geliyay eedeynta la xiriirta gabowga kooxda. “Anigu waxaan ahay 30 jir, Mateo Kovacic isna waa 30. Ma ka hadlayno rag 36 jirro ah!” ayuu yiri.
Manchester City ayaa sanadihii la soo dhaafay ku guuleysatay koobab waaweyn, balse xilli-ciyaareedkan waxa ay la kulantay natiijooyin aan fiicnayn, taasoo dhalisay su’aalo la xiriira awooddooda. Si kastaba ha ahaatee, Silva ayaa difaacay kooxdiisa: “Siddeedii xilli-ciyaareed ee la soo dhaafay waxaan ku guuleysanay lix Premier League… haddana afar bilood oo xun dartood waxaan nahay kuwo gaboobay? Waxaan idin weydiinayaa!”
Silva ayaa ugu dambeyn dhaliilay dadka ka hadlaya da’da kooxda, isagoo yiri: “Kuwa sidaas leh waa dad aan fahmin kubadda cagta, marnaba ciyaarin kubadda, waxaana laga yaabaa inaysan waxba ka garanayn ciyaarta.”