Dimitar Berbatov ayaa si toos ah dhulka ugu jiiday labo ciyaaryahan oo weerarka uga ciyaara United (Joshua Zirkzee iyo Rasmus Hojlund).waxa uu sheegay inay ‘lumeen’ oo ay ‘khasaareen tayo ahaan’ iyagoo ka hoos ciyaaraya tababare Amorim.
United waxay la kulantay guuldarradeedii 12-aad ee Premier League xilli-ciyaareedkan kadib markii ay Axadii Tottenham ka adkaatay – natiijadan ayaa u horseeday inay ka dhacaan kaalinta 15-aad ee horyaalka, 12 dhibcood keliyana ay ka sarreyso aagga heerka labaad.
Kooxda waxaa ruxay dhaawacyo halis ah toddobaadkii hore, iyadoo Amad Diallo, oo ahaa xiddigii ugu fiicnaa xilli-ciyaareedkan, laga saaray safka kooxda inta ka harsan xilli-ciyaareedka.
Taasi waxay dhibaato u keentay Amorim oo haysta dookhyada weerarka oo kala ah Zirkzee, Hojlund, iyo Alejandro Garnacho – seddex si xun u liidata, kuwaas oo hal gool kaliya dhaliyay sanadkan 2025.
Zirkzee wuxuu ku bilowday kulankii Axadda mid ka mid ah labada boos ee No.10-ka ee ka dambeeya weeraryahanka, waxaana Berbatov uu rumeysan yahay in ciyaaryahanka Dutch-ka uu aad ugu soo noqday gadaal, isagoo ‘ka baxay booskiisa’ oo ‘aan loo adeegsan karin tayadiisa ugu fiican’.
Weeraryahankii hore ee United ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay sida Hojlund loogu adeegsado shaxda 3-4-3 ee Amorim, isagoo ka cabsi qaba in ciyaaryahanka reer Denmark uu aad u daalo maadaama uu aad ugu noqnoqonayo dafaaca si uu u daboolo meelaha bannaan ee garoonka.
‘Sidoo kale Hojlund, wuxuu dhammaan tabartiisa ku bixiyaa inuu gadaal u soo laabto si uu u daboolo meelaha bannaan, maxaa yeelay dhexda ayaa furan marwalbo.’