Bartilmaameedka Manchester United, Viktor Gyokeres, ayaa magacaabay labada ciyaaryahan ee Zlatan Ibrahimovic iyo Cristiano Ronaldo inay yihiin kuwii uu kaga dayan jiray kubada cagta.
Gyokeres wuxuu hadda u ciyaaraa kooxda sarre ee Portugal ee Sporting CP, wuxuuna ku jiraa qaab ciyaareed heer sare ah xilli ciyaareedkan.
Waxa uu dhaliyay 25 gool, waxaana uu sameeyay afar caawin 22 kulan oo uu u ciyaaray kooxda reer Portugal.
Manchester United ayaa raadineysa No. 9 cusub ka hor suuqa kala iibsiga January iyo xagaaga, magaca Gyokeres ayaana ah kan ugu hadalheynta badan.
Isagoo la hadlayay UEFA.com, Gyokeres ayaa tilmaamay labada ciyaartooy ee ugu fiican adduunka ee uu ku daydo.
Ciyaartoyda aan ku dayan jiray waxay ahaayeen Zlatan Ibrahimovic iyo Cristiano Ronaldo, waxay garoonka dhexdiisa kusoo bandhigeen wax cajiib ah,
Marwalba waxaan doonayay waxyaabo la mid ah wixii ay sameeyeen garoonka dhexdiisa inaan sameeyo,” ayuu yiri Gyokeres.
Kubadda cagta maanta, waxaad u baahan tahay inaad jir ahaan xoog yeelato oo aad leedahay awood gooldhalin, sidoo kale aad si wanaagsan ula ciyaari karto saaxiibadaa.
“Zltan iyo Ronaldo dhamaan sifooyinkaas ayay lahaayeen waana waxa aan ugu dayan jiray markii aan yaraa shaqsiyadooda” ayuu yiri weeraryahanka lala xiriirinayo Man Utd.