Xiddiga Tottenham, Son Heung-min, ayaa si weyn u amaanay da’yarka Barcelona, Lamine Yamal, isaga oo sheegay in dhowr sano gudahood uu ku noqon doono “garabka (winger) ugu fiican adduunka”.
Yamal, oo aad loola barbardhigo halyeeyga Lionel Messi, ayaa durba taariikh ka dhigay Barcelona, isagoo xitaa lagu tilmaamay xiddig ku socda waddadii Messi oo kale. Xiddiga reer Spain, oo 17 jir ah, wuxuu durba ku guuleystay abaalmarino muhiim ah, sida Kopa Trophy iyo Golden Boy, kuwaas oo la siiyo xiddigaha da’da yar ee ugu wanaagsan kubadda cagta.
Intaa waxaa dheer, Yamal wuxuu door weyn ka ciyaaray guushii xulka Spain ee Euro 2024, waxaana la filayaa inuu si weyn usoo muuqdo koobka adduunka ee 2026.
Son: “Wuxuu Hadda Ka Mid Yahay Shanta garab Ee Ugu Fiican Adduunka”
Inkasta oo Son Heung-min qirtay in Yamal uu durba ka mid yahay shanta garab weerar ee ugu fiican dunida, haddana wuxuu sheegay in uu weli u baahan yahay waqti si uu u gaaro saddexda ugu sarreeya. Si kastaba ha ahaatee, Son wuxuu rumeysan yahay in Yamal uu heerkaas gaari doono waqti dhow.
“Waa ciyaaryahan cajiib ah. Ha i fahmin si qaldan – da’daan oo kale, qaabka uu u ciyaarayo waa wax la yaab leh. Waan ku raaxeysanayaa ciyaartiisa. Waa wax fiican in uu weli da’ yar yahay, oo uu haysto waqti badan oo uu ku horumariyo xirfaddiisa. Marka, dhowr sano gudahood wuxuu noqon doonaa kan ugu sareeya, nambar kow.”
Son Heung-min ayaa markale muujiyay sida uu ula dhacay kartida Yamal, isagoo rajo weyn ka muujiyay mustaqbalkiisa. Wuxuu aaminsan yahay in da’yarka Barcelona uu noqon doono mid ka mid ah magacyada ugu waaweyn ee kubadda cagta caalamka.