FC Barcelona ayaa qaadatay go’aan muhiim ah suuqa jiilaalka, iyada oo aqbashay ka tagista kooxda daafaca Ronald Araújo, oo lala xiriirinayo Juventus.
Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, daafaca dhexe ee Uruguay ayaa amaah ugu biiri doona kooxda Talyaaniga ee Juventus ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyada oo ay waajib ku tahay in ay iibsadaan.
Tallaabadani waxaa loo arkaa xal istiraatijiyadeed, oo lagu xalin karo dhibaatada dhaqaale ee kooxda ka dhisan Laliga.
Araújo wuu diiday cusboonaysiinta qandaraaskiisa, iyadoo la raacayo shuruudaha kooxda, daafaca reer Uruguay ayaa si meesha looga saaro mushaarkiisa waxaa lagu diri doonaa amaah.
Barcelona ayaa xaqiijisay inuu jiro wadahadal u dhaxeeya daafaca iyo kooxda Juventus kuwasoo soo gabagaboobi kara maalmaha soosocda.
Dhowr koox oo ka dhisan Premier League ayaa hore u raadinayay saxiixa ddaafaca Arujo, waxaase muuqata in ay ku guuleysatay heshiiskaan kooxda Juventus.