Halyeygii hore ee kubadda cagta Lothar Matthäus, ayaa mar kale muujiyay tayada Angelo Stiller, oo ka mid ah da’yarta mustaqbalka wanaagsan ee Jarmalka.
Ciyaaryahankii hore ee Bayern Munich ayaa aaminsan in xiddiga haatan katirsan Stuttgart uu ku haboon yahay nidaamka Barcelona, isagoo kula taliyay in saxiixiisa ay dhameystiraan kooxda reer Catalonia suuqa January.
Matthäus, oo caan ku ah aragtida iyo istaraatiijiyada kubbadda cagta Jarmalka, ayaa wuxuu ammaanay da,yarka Stiller, isaga oo tilmaamay inuu leeyahay awood gaar ah.
Stiller wuxuu u noqon lahaa Barcelona mid wax badan ku kordhiya, iyadoo ay jirto suurtogalnimada bixitaanka Frenkie de Jong, kaasoo mustaqbalkiisa aan la hubin.
Angelo Stiller, oo ka soo baxay akadeemiyadda dhalinyarada ee Bayern Munich, ayaa tan iyo markii uu ku biiray Stuttgart sameeyay Horumar badan isagoo muujiyay inuu yahay ciyaaryahan muhiim ah.
Sida laga soo xigtay ‘Sport’, inkasta oo qandaraaskiisa Stuttgart uu dhacayo 2027, qiimihiisu suuqa ayaa sii kordhaya, maadaama kooxo badan oo yurub ah ay xiisaynayaan.
Barcelona ayaa heli karta fursada ugu badan oo ay kula saxiixan karaan laacibkaan khafka dhaxe ee wacdaraha ka dhigaya horyaalka Bundusliga xili ciyaareedkaan.