Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa waxa iibin doonta xiddiga dhabara kaga jabiyey mushaharkiisa xad-dhaafka eah ee waliba diiday inuu gorgortanka la galo kooxdiisa oo uu mushahar dhimis u sameeyo, waqti ay Barcelona ku jirto xaalad adag oo dhaqaale.
Barcelona ayaa xilli-ciyaareedkan ku dhamaysanaysa faro-madhnaan iyo in aanay wax koob ah ku guuleysanin dhamaan tartamada, waxaana midkii ugu dambeeyey ee ay ku loollamayeen uu ahaa horyaalka LaLiga oo xalay ay ku guuleysatay Real Madrid.
Sida uu ku warramayo wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain, Barcelona ayaa waxa ay go’aansatay in ay iibiso xiddiga reer Netherlands ee Frenkie de Jong oo ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan qaaradda Yurub oo toddobaadkii u xaadira lacag dhan 725,000 Euro.
Kubbad-sameeyahan oo ay doonayaan kooxaha Bayern Munich, PSG iyo Manchester United ayaa la sheegay in sababta ay Barcelona u iibinayso ay tahay inay meesha ka saaraan mushaharkiisa xad-dhaarka ah ee uga sii daraya xaaladda dhaqaale ee kooxda.
Sport waxa uu intaa ku daray, in kaliya Frenkie de Jong aanu ahayn ciyaartoyda bixi doonta laakiin ay sidoo kale Barcelona diyaar u tahay inay dhegaysato haddii dalabyo macquul ah laga soo gudbiyo Ronald Araujo iyo Raphinha, halka saxeexoodii cusbaa ee Vitor Roque ay amaah ku bixinayaan.
Waxa kale oo ay Barcelona meesha ka saari doontaa Oriol Romeo oo ay kala soo wareegeen Girona markii uu ka tegay Sergio Busquets xagaagii.