Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay isha ku hayso xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah kaas oo qarka u saaran in uu beeca xor ah ku baxo dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Salah ayaa muhiim u ah xili ciyaareedkaan 2024/25 kooxdiisa, in kasta uusan jirin qorshe lagu kordhinayo qandaraaskiisa Liverpool.
32 jirkaan, ayaa ku lug leh 16 gool 15 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xili ciyaareedkaan.
Shabakadda SPORT waxa ay sheegtay caawa in magaca Salah uu yahay midka looga hadalheynta badan yahay kooxda Barcelona.
Laakin Liverpool ayaa sidoo kale dooneysa inay heshiis cusub la gaarto ciyaaryahanka si uu usii joogo garoonka Anfield.
Horaantii isbuucaan, tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa barbardhigay Salah halyeeyadii ugu fiicnaa kubadda cagta ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, isagoo ku sifeeyay inuu leeyahay awood gaar ah.
Lama oga sida ay Liverpool kaga jawaabi doonto dalabka Salah ay ay dooneyso Barcelona oo hogaaineysa horyaalka Laliga Spain.