FC Barcelona ayaa sii wadata inay ka shaqeyso qorsheynta kooxdeeda xilli ciyaareedka soo socda.
Mid ka mid ah meelaha mudnaanta ay siineyso inay xoojiso waa weerarka. Inkastoo uu dhawaan qandaraaska u cusbooneysiiyay Robert Lewandowski oo sii joogi doono sanad kale.
Maamulka isboortiga ayaa u arka inay lama huraan tahay in lagu daro weerar cusub kooxda si loo kala saaro xulashooyinka weerarka.
Sida uu sheegay wargeyska Sport, saddex magac ayaa ka muuqda ajandaha Blaugrana ee suuqa xagaaga, waxaana ay kala yihiin Alexander Isak, Luis Díaz, iyo Sesko.
Alexander Isak, weeraryahanka haatan ee Newcastle, waa mid ka mid ah ciyaartoyda aadka loogu qiimeeyo awoodiisa gaarka ah. labada boos ee weerarka dhexe iyo garabka bidix ayuu ka ciyaari karaa.
Si kastaba ha ahaatee, saxiixiisa ma noqon doono mid sahlan, iyadoo kooxda reer England ay dalbaneyso in ka badan 100 milyan oo euro haddii uu baxayo.