Barcelona ayaa loo soo bandhigay fursad ay ku heli karaan khadka dhexe ee Arsenal, Thomas Partey, si bilaash ah.
Xiddiga reer Ghana ayaa qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga wuxuuna u muuqdaa mid ku wajahan inuu kooxda uga tago si xor ah.
Partey ayaa ku biiray Arsenal shan sano ka hor markii Agaasimihii Isboortiga ee hore ee Arsenal uu go’aansaday inuu dhaqan geliyo qodobkii £50 milyan ee lagu burburin karay qandaraaskiisa Atletico Madrid.
31-jirkan ayaa door muhiim ah ka ciyaaray hab ciyaareedka Arsenal ee uu dhisay Mikel Arteta intii uu xilka hayay.
Si la yaab leh, xilli ciyaareedkan oo u muuqda midkii ugu dambeeyay ee uu la qaadanayo kooxda woqooyiga London, Partey ayaa u muuqda mid ka gudbay dhaawacyadii hareeyay waqtigiisii Arsenal.
Iyadoo la fahamsan yahay in Arsenal diyaar u tahay la wareegidda Martin Zubimendi, waxey diyaar u tahay inay oggolaato bixitaanka Partey halka wakiillada ciyaaryahanka ay wadahadallo la leeyihiin kooxo waaweyn oo Yurub ah.
Hoggaamiyeyaasha haatan ee La Liga ayaa si fiican ugu diyaarsan xulashooyin khadka dhexe ah waxayna horey u muujiyeen xiisaha ay u qabaan Joshua Kimmich oo ka tirsan Bayern Munich.
Xiddiga waayo-aragga ah ee reer Germany, ayaa sidoo kale noqon doona ciyaaryahan xor ah xagaaga wuxuuna ku jiray xaalad uu ku muransan yahay qandaraaska uu kula joogo kooxdiisa haatan.