Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa laga dalbaday in ay macallinkeeda cusub ee beddelaya Xavi Hernandez ka dhigto tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho oo hore uga soo shaqeeyey kooxdaas waqtiyadii ay macallimiinta ka ahaayeen Louis van Gaal iyo Sir Bobby Robson.
Mourinho ayaa gacanyare iyo turjumaan u ahaa Louis van Gaal iyo Sir Bobby Robson, waana ka hor intii aanu bilaabin shaqada tababarenimada.
Inkasta oo ay taageereyaasha Barcelona neceb yihiin macallinkan hore ee Chelsea, Inter Milan iyo Chelsea, haddan halyeyga ku suntan taariikhda Barcelona ee Rivaldo ayaa usoo jeediyey Joan Laporta iyo boodhka maamulka naadigaas in naadigu u baahan yahay tababare khibrad leh oo dib usoo celiya hammuuntii guulaha.
Halyeyga Brazil oo muddo shan sannadood ah oo uu u ciyaaray Barcelona u saftay 235 ciyaarood oo uu u dhaliyey 130 gool, kulana qaaday abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or, ayaa waxa uu taxay lix sababood oo Barcelona ay tahay inay Jose Mourinho uga dhigato tababaraheeda cusub .
Waraysi uu siiyey Betfair, ayuu Rivaldo ku yidhi: “Aniga iima muuqato in Pep Guardiola uu dhowaanahan kusoo biirayo Barcelona. Waxay ila tahay in fursadda uu ku iman karayo waa marka uu doono inuu dib ugu soo laabto waddankiisa oo uu waqti uu ku naaloodo uu la qaato qoyskiisa, taas oo ugu fududaanaysa Barcelona sidoo kalena uu kasii wadan karayo shaqada tababarenimada.
“Markaa maanta in badan isaga ayay arrintaasi ku xidhan tahay, laakiin way adag tahay inuu xilli-ciyaareedka dambe yimaaddo.”
Intaas kaddib ayaa waxa Rivaldo uu sharraxay sababta ay tahay in Barcelona ay tababaraheeda cusub uga dhigato Jose Mourinho, waxaanu yidhi: “Waxa jira taageereyaal badan iyo ciyaartooyo ama taababareyaal aan ogolaanayn, laakiin Jose Mourinho oo hore uga soo shaqeeyey kooxda waqtigii Sir Bobby Robson ayaa ah shaqsiga ugu wanaagsan.
“Dabcan, tababarenimadiisa ad-adag, iyo mararka qaarkood inay isku dhacaan taageereyaasha kooxdiisa ayaa walaac abuuri karaysa bilowga hore, laakiin waa shaqsi guuleed.
“Marka la tixgeliyo in waqtigan aanu koox joogin iyo xaaladda ay ku jirto Barcelona, waxay ila tahay inay u fududahay inuu Mourinho kusoo biiro Barcelona marka loo eego Guardiola. Waxay ila tahay inuu saxeex wanaagsan u noqon lahaa Barcelona xataa iyadoo aanay taageereyaashu jeclayn magaciisa.
“Shaki kuma jiro, in uu shaqo wanaagsan qabanayo, sidoo kale, wuxuu yaqaanaa kooxda oo uu hore uga soo shaqeeyey, waxa uu garanayaa luuqadda Spanish-ka, waa tababare ku guuleystay Champions League, khibrad badanna wuu leeyahay.”