Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay miiska u saartay heshiis lix sano ah oo ay ku doonayso Dani Olmo, iyadoo kooxda reer Catalonia ay go’aansatay inay xagaagan ay kasoo kaxayso RB Leipzig.
26 jirkaan ayaa door muhiim ah ka ciyaaray ku guuleysiga Euro 2024 ee Spain, isagoo dhaliyay seddex gool, labana caawiye ka ahaa lix kulan oo uu ka soo muuqday tartanka.
Olmo kuma uusan bilaaban tartanka qeybihii ugu horeeyay ee Spain, laakin waxa uu ka faa’ideystay dhaawac kasoo gaaray Pedri wareegii 8-aad ee tartanka.
Waxaa jiray hadal heyn ballaaran oo ku saabsan mustaqbalka weeraryahanka xagaagan, iyadoo kooxo dhowr ah la rumeysan yahay inay doonayaan inay helaan saxiixiisa, oo ay ku jirto kooxda Premier League ee Chelsea.
Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayaa loo maleynayaa inay hogaamineyso tartanka loogu jiro weeraryahanka, kaasoo matalay akadeemiyada dhalinyarada ee Catalan intii u dhaxeysay 2007 iyo 2014 ka hor inta uusan u dhaqaaqin Dinamo Zagreb.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Leipzig ay sidoo kale ogolaatay inay fasaxdo ciyaaryahanka kaaso €60 milyan lagu burburin karo qandaraaskiisa Oo dhacay dhowr isbuucyo ka hor.
Lacagta lagu iibsanayo ayaa si rasmi ah u dhacday isbuucii hore, laakin Barcelona ayaa ayaa bixinaysa 60 milyan oo euro.
Kooxda reer Catalan ayaa lagu ayaa lagu soo waramaya inay bixin doonto lacagtaas si loo hubiyo inay u hoggaansamaan shuruucda maaliyadeed.
Barcelona ayaa sidoo kale ka shaqeyneysa heshiis ay kula soo saxiixaneyso weeraryahanka Athletic Bilbao Nico Williams.
22 jirkaan ayaa dhaliyay labo gool, waxaana loo diiwaan geliyay hal caawin lix kulan oo uu u saftay xulkiisa tartanka, oo uu ku jiro gool uu ka dhaliyay finalkii xulka England.