Kooxda FC Barcelona ayaa soo bandhigtay heshiis cusub oo saddex sano ah oo ay ku doonayso inay ku sii haysato khadka dhexe ee reer Netherlands, Frenkie de Jong, iyadoo mushaharkiisuna uu ahaan doono sidii hore, marka laga reebo lacagaha dib loo dhigay.
Heshiiska hadda ee De Jong ayaa dhacaya sannadka 2027, waxaana kooxda rajaynaysaa in heshiiskan cusub la dhammeeyo ka hor dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Tani waxay qayb ka tahay dadaalka Barcelona ee ay ku doonayso inay ku xoojiso safkeeda, iyadoo sidoo kale heshiisyo cusub ka saxiixatay ciyaartoy muhiim ah sida Gavi iyo Yamal. Gavi ayaa dhawaan saxiixay heshiis cusub oo waqti fog ah, halka Yamal uu isna heshiis cusub u saxiixay kooxda, taasoo muujinaysa sida ay Barcelona uga go’an tahay inay sii haysato ciyaartoydeeda da’da yar ee tayada leh.inkastoo Barcelona ay dooneyso iney kordhiso heshiiska Yamal hadana weli laiskuma afgaran.
Frenkie de Jong ayaa ku biiray Barcelona sannadkii 2019 isagoo ka yimid Ajax, wuxuuna si degdeg ah u noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan ee kooxda. In kasta oo ay jireen warar xan ah oo la xiriira suurtagalnimada uu uga tagayo kooxda, haddana De Jong ayaa marar badan muujiyay rabitaankiisa ah inuu sii joogo Barcelona oo uu ka caawiyo kooxda inay gaadho guulo waaweyn mustaqbalka.
Heshiiskan cusub ayaa noqon doona tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo kooxda, iyadoo Barcelona ay ku dadaalayso inay sii haysato ciyaartoydeeda ugu muhiimsan si ay u gaadho guulo mustaqbalka dhow iyo kan fogba.
Sidoo kale, kooxda ayaa ku hawlan sidii ay u xallin lahayd caqabadaha dhaqaale ee horyaalla, iyadoo heshiisyo cusub la gashay shirkado waaweyn sida Nike, taasoo ka caawin doonta inay xalliso dhibaatooyinka dhaqaale ee soo food saaray kooxda.
Waxaa la filayaa in heshiiskan cusub ee Frenkie de Jong uu noqdo mid rasmi ah maalmaha soo socda, taasoo taageerayaasha Barcelona ay si weyn u sugayaan, maadaama uu yahay ciyaaryahan muhiim u ah kooxda isla markaana door weyn ka ciyaaray guulihii ay gaartay xilli ciyaareedyadii la soo dhaafay.