Barcelona ayaa diyaar u ah inay iska iibiso Ronald Araujo iyo Raphinha xagaagan si ay weeraryahanka Athletic Bilbao Nico Williams u geeyaan Camp Nou.
Williams ayaa haatan u ciyaaraya Spain Euro 2024, iyadoo 21 jirkaan uu dhaliyay hal gool islamarkaana caawiye ka ahaa seddex kulan oo uu xagaagan u saftay kooxda haatan ku jirta wareega 8da.
Weeraryahanka ayaa dhawaan sheegay in go’aan adag oo ku saabsan mustaqbalkiisa aan la gaari doonin ilaa ka dib Koobka Qaramada Yurub, laakiin waxaa la filayaa inuu ka tago Athletic ka hor dhamaadka suuqa.
Arsenal iyo Liverpool ayaa loo maleynayaa inay qeyb ka yihiin xiisaha loo haayo wiilkan, laakiin Barcelona ayaa la rumeysan yahay inay hogaamineyso safka, iyadoo Williams uu sidoo kale doorbidayo inuu u wareego kooxda Catalan.
Williams ayaa dhaliyay 8 gool waxana loo diwangeliyay 19 caawin 37 kulan oo uu u saftay Athletic xilli ciyaareedkii hore,halka uu 20 gool iyo 26 caawin ka sameeyay 122 kulan oo uu u saftay kooxda Basque tartamada oo dhan.
Barcelona ayaa si aad ah u dooneysa inay xaqiijiso saxiixa Williams xagaagan, laakiin waxaa loo baahan doonaa ugu yaraan hal iib oo kooxda koowaad ah si ay macquul u noqoto.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Araujo ama Raphinha loo ogolaan karo inay baxaan, laakiin lama soo saarin in labada ciyaaryahan ay dhaqaaqi karaan inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Barcelona ayaa haatan ku adag inay ku qanciso Araujo inuu heshiis cusub u saxiixo, Manchester United ayaana la rumeysan yahay inay si weyn ula dhacsan tahay xiddiga reer Uruguay.
Kooxda reer Catalan, haddii ay awoodi waayaan inay heshiis cusub ka saxiixdaan daafaca dhexe, waxaa la sheegay inay ku dari doonaan liiska suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo lagu qiimeeyay 70 milyan oo ginni.
Newcastle United iyo Manchester City ayaa sidoo kale ka mid ah kooxaha loo arko inay xiiseynayaan Araujo, iyadoo Barcelona aysan u badneyn inay diido dalabaadka haddii ay caddaato inuu diyaar u yahay suuqa kala iibsiga.
Mustaqbalka Raphinha ayaa sidoo kale haatan ah mowduuca la isla dhexmarayo, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil laga yaabo in loo ogolaado inuu ka tago Barcelona xagaagan.
27-sano jirkaan ayaa dhibaato dhaawac soo gaaray intii lagu jiray ololihii 2023-24, laakiin wuxuu awooday inuu gacan ka geysto 10 gool iyo 13 caawin 37 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Waxaa jiray soo jeedino xiiso leh oo ka imaanaya Sacuudi Carabiya, halka loo maleynayo in kooxo badan oo Premier League ah ay isha ku hayaan xaaladiisa.
Williams ayaa qandaraas cusub u saxiixay Athletic sannadkii hore, laakiin waxaa la rumeysan yahay inuu jiro qandaraas lagu burburin karo ku dhawaad € 55 Milyan heshiiskiisa.
Barcelona ayaa la sheegay in ay doonayso in Williams iyo Lamine Yamal ay ka ciyaaraan baalashooda xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo weeraryahanka khibrada leh ee Robert Lewandowski uu weerarka hogaamin doona.