Barcelona Oo Ogaatay Inay Jabisay Xeerarka FIFA Kulankii Ay La Ciyaartay Osasuna – Laakiin Waxay Go’aanka Qaadatay Kadib La-Tashiyo Sharciyeed Xilli Ay Cabatay Kooxda Laga Hor Yimid.
Kooxda Barcelona ayaa la sheegay inay si buuxda uga warqabeen jebinta xeerarka FIFA kadib markii ay garoonka keeneen Inigo Martinez kulankii ay la yeesheen Osasuna Khamiistii.
Martinez, oo ka baxay xulka qaranka Spain intii lagu jiray kulamadii Nations League sababo la xiriira dhaawac, ayaa dib loo xaqiijiyay inuu taam yahay ka hor kulankii dib loo dhigay ee La Liga, taasoo keentay in uu ciyaaro 90 daqiiqo oo buuxda. Barcelona ayaa guul 3-0 ah ka gaartay Osasuna.
Osasuna ayaa si degdeg ah dacwad rasmi ah ugu gudbisay xiriirka kubadda cagta Spain (RFEF), iyagoo soo xiganaya xeerka FIFA ee mamnuucaya in ciyaartoyda ka baxa waajibaadka qarankooda aysan ciyaari karin kulan kooxdooda ugu yaraan shan maalmood kadib dhamaadka fasaxa caalamiga ah.
Si kastaba ha ahaatee, warbixin ay baahisay Catalunya Radio ayaa sheegtay in Barcelona ay si buuxda u ogayd xeerka, ayna la tashatay khubaro sharciyeed oo u oggolaaday inay ciyaarsiiyaan Martinez. Warbixinta ayaa sidoo kale intaas ku dartay in Barcelona ay ku kalsoon tahay xeer tilmaamaya in haddii xiriirka kubadda cagta dalka uu ogolaado in ciyaaryahanka la sii daayo, markaas aysan xeerarku mar dambe shaqeyn doonin.
Guushii ay gaareen Barcelona ayaa keentay in ay saddex dhibcood ka sarreeyaan Real Madrid oo ay ku loollamayaan hoggaanka La Liga, iyadoo goolasha ay u dhaliyeen Ferran Torres, Robert Lewandowski iyo Dani Olmo.