Barcelona waa inay diiwaan geliso saxiixa Dani Olmo ka hor inta aysan sii wadin wadahadalada Juventus ee ku aadan Federico Chiesa, laakiin wararka ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in Roma ay weli xiiseyneyso garabka reer Talyaani.
Chiesa ayaa la filayaa inuu ka tago Juventus xagaagan maadaama uusan qeyb ka aheyn qorshaha Thiago Motta ee Turin.
Wargayska Sport ayaa sheegaya in xiddiga reer Italy uu haatanba heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda Barcelona, halka Juventus ay tahay in ay hoos u dhigto qiimaha ay ku doonayso ee ah 15 milyan oo euro.
Ilo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya xiisaha Barcelona laakiin waxay ku adkaysanayaan in Chiesa aanu wali la balan qaadi karin inuu aadayo Barcelona, inkasta oo Catalans ay ka mid yihiin dookhyadiisa aasaasiga ah.
Warbixintii ugu dambeysay ee Gianluca Di Marzio ayaa sheegtay in Barcelona ay ku qasban tahay inay diiwaan geliso iibka Dani Olmo ka hor inta aysan wadahadal rasmi ah la gelin Juventus iyo garabkeeda.
Tani waxay ka dhigan tahay in haddii Barcelona aysan si dhaqso ah u diiwaan gelin Olmo, Roma waxay heli doontaa fursad cadaalad ah oo ay dib ugu soo celiso wadahadalka waxayna suurtogal tahay inay ku qanciso Chiesa inuu u guuro Stadio Olimpico.