Sida ay qortay jariirada The Sun Darwin Nunez ayaa si lama filaan ah diirada ugu saaran kooxda Barcelona xagaagan iyadoo isbedelo waa weyn lagu sameynayo kooxda Camp Nou ka dhisan.
Waxaana isbedeladaas ka mid ah in weeraryahanka Liverpool uu bedeli doono Robert Lewandowski oo qeyb ka ah ciyaartooy badan oo magac leh oo ka tagaya kooxda.
Maamulka horyaalka La Liga ayaa mushaharka ay Barcelona bixin karto xilli ciyaareedka soo socda ku xadiday kaliya 174 milyan ginni, taasoo la micno ah in kooxda ay ku qasban tahay inay iska dirto xiddigaha mushaharka badan ka qaata haatan.
Lewandowski ayaa ah xiddiga ugu mushaharka badan kooxda, sidaasi darteed isaga ayaa ugu horeeya liiska ciyaartoyda laga dirayo Camp Nou.
Nunez ayaa isna ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaharka badan Liverpool, laakiin waxa uu qataa kaliya rubuc meel inta uu qaato weeraryahanka reer Poland, taasoo ka dhigeysa in Barcelona ay awoodi karto.
Iyadoo ciyaartooy kale ay ka tagayaan kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan, madaxda Barcelona ayaa aaminsan inay bixin karaan lacagta ay kula soo wareegi karaan Darwin Nunez xagaagan.
Weeraryahanka reer Uruguay ayaa ah xiddigaha ugu qaalisan Liverpool isagoo labo sannadood ka hor looga soo iibsaday Benfica 85 milyan ginni, wuxuuna saxiixay qandaraas dhacaya 2028ka.
Laakiin madaxda Anfield ayaa ogsoon in tababaraha imaanaya kooxda Arne Slot inuu u baahan yahay lacag fiican uu ku galo suuqa kala iibsiga.
Haddii horyaalka Sacuudiga ay la wareegan Mohamed Salah waxay taasi fursad u noqon doontaa tababaraha cusub.
Si kastaba, haddii Salah la iibsan waayo markaas Liverpool waxay u badan tahay inay dhageysan doonto dalabka Barcelona.