Raphinha ayaa si kale isku muujiyay kadib markii uu Barcelona ku hogaamiyay guul wayn oo 7-0 ah oo ay ka gaadheen Valladolid wareegii afraad ee horyaalka Spain.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa daah furay goolasha Blaugrana daqiiqadii 20aad, isagoo ka faa’ideystay kubad sixir ah oo uu ka helay daafaca da’da yar ee Pau Coparsi.
Barcelona ayaa ka faa’idaysatay xaalada qalalaasaha ah ee ka dhex jiray difaaca Valladolid xilli Lamine Yamal ka caawiyay goolka labaad Robert Lewandowski.
Kounde ayaa goolka 3aad u dhaliyay kooxda Barcelona dhamaadkii qeybtii 2aad ee ciyaarta.
Raphinha ayaa raaciyay goolkiisii labaad daqiiqadii 64-aad. Islamarkaana ahaa goolkii 4aad ee Barca, kadib caawin uu ka helay Lewandowski.
Daqiiqadii 72 aad Lamine Yamal ayaa Raphinha ka caawiyay inuu dhaliyo goolkiisii 3-aad iyo saddexleydiisii ugu horaysay ee uu shaadhka Barcelona ku dhaliyay,kadib markii ay wads ciyaareen kubad hal ka hal isla markaana uu kubbada dhex dhigay shabaqa Valladolid.
Dani Olmo ayaa daqiiqadii 82aad dhaliyay goolka 6aad ee ciyaarta.
Wacdaradda Raphinha kuma joogsan halkaas, isagoo sidoo kale abuuray goolkii toddobaad oo uu Barcelona u dhaliyay Ferran Torres.
Waxaa xusid mudan in Barcelona 7-0 ay kaga badisay Valladolid ay sare u qaaday dhibcaha, iyagoo hogaanka ku haaya 12 dhibcood.