Weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ugu dambayntii ka baxay aamusnaanta oo ka sheekeeyey wixii dhax maray tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta oo saddex sannadood ka hor ka caydhiyey Gunners isla markaana si bahdilaad ah ula dhaqmay oo kabtannimada ka xayuubiyey.
Pierre-Emerick Aubameyang ayaa uu Mikel Arteta ka xayuubiyey kabtannimada oo uu ku wareejiyey Granit Shaka, kaddibna waxa uu u diray kaydka iyadoo muddo bilooyin ahna aanu liiskiisaba kusoo darin.
Waxay arrintani dhacday iyadoo 18 bilood ka hor uu Aubemayang noqday geesiga Arsenal oo uu u qaaday FA Cup, balse Arteta aanu wax dan ah ka gelin arrintaas.
Waxa uu ka maqnaaday ciyaartii Southampton ee December 2021, kaddibna mar dambe uma aanu ciyaarin Arsenal, iyadoo lagu qasbay in uu burburiyo heshiiskiisa si uu ugu biiro Barcelona.
Aubayemang ayaa sababta ay iskugu dhaceen Mikel Arteta waxay ahayd inuu waddanka Talyaaniga ku booqday hooyadii oo xanuunsanaysa isaga oo ogolaansho ka haystay kooxda balse uu ku habsaamay saacado kooban maadaama uu hooyadii usoo qaaday Ingiriiska oo uu doonayey inuu kaga war hayo.
Waraysi uu Aubemayang siiyey wargeyska Colinterview ayaa waxa uu ku yidhi: “Waxay ahayd waqtigii lagu jiray COVID, annaguna waanu ciyaaraynay, waxaan u malaynayaa in aanu la dheelaynay Everton. Sababtaydu ma ahayn mid wanaagsan, waxa aanu ku dhibaatoonaynay horyaalka, maalin ka horna tababaraha ayaa nagu yidhi: ‘Maalin fasax ah ayaan idin siinayaa haddii aynu guuleysano iyo haddii kaleba, laakiin waa in aad isoo wargelisaan ciyaarta ka hor sababtoo ah waa inaynu raacno tilmaamaha iyo shuruucda caafimaadka.’
“Aniga hooyaday ayuu faalig ku dhuftay bilo ka hor, waxaanay ahayd waqtigii Ciidda Masiixiga markaa waxa aan doonayey in aan arko tababaraha oo aan ku idhaahdo: ‘Tababare, waxa aan doonayaa in aan kuu imaaddo sababtoo ah waxa aan doonayaa in aan u tago hooyaday oo aan soo qaado.’ Waxa uu igu yidhi wax dhibaato ah ma jirto.”
Pierre-Emerick Aubameyang waxa uu ku habsaamay soo noqoshada sababtoo ah waxa lagu sameeyey baadhitaanno xanuunka Covid-ka ah iyo habraacyada caafimaadka oo dib u dhigay waqtigii uu soo noqon lahaa, waxaana taasi keentay khilaafka Arteta.
Auba oo arrintan ka sheekaynaya ayaa yidhi: “Waan imid, waxa aan qolka labbiska soo galay ayuu uu dhamaaday shirkii kooxdu, isaga [Arteta] ayaa garabka isoo qabtay, wuu i gilgilay isaga oo iigu qaylinaya sidii aan waalanahay oo kale, waxa uu igu yidhi: ‘Dhabarka ayaad iga toogatay, aniga sidaas iguma samayn kartid marka aan waqti ku siiyey.’ Waqtigaas waxa aan naftayda u sheegay in aanan u jawaabin sababtoo ah cadhada ayaa sii kordhi lahayd.
“Anigu ma tegin xaflad tumasho ah, wuu ogaa wax walba oo bixitaankayga ah, mana fahmayo sababta uu sidaas oo kale iigula hadlay. Waxa aan tegay guriga, waxaana isoo wacay dhakhtarka oo igu yidhi, ‘tababaruhu wuxuu ku yidhi ma doonayo inaad timaaddo tababarka berri’.
“Maalmo ayaa kasoo wareegay, walina dhakhtarku wuxuu igu leeyahay ‘ha imanin garoonka, mana soo dhaxlaysid ciyaartoyda, haddii laga tegi waayana meel gaar ah ayaad tababarka ku samayn doontaa.’ Maalmo kaddib ayuu isoo wacay oo uu shir ila galay, waxa uu ii sheegay inuu ii sharraxayo hal arrin, waxa uu iga qaaday kabtannimada, sidoo kalena waxa uu ii sheegay in aanan mar dambe tababarka la qaadanayn ciyaartoyda.”