Tababaraha Aston Villa, Unai Emery, ayaa shaaca ka qaaday inuu qorsheynayo in Marcus Rashford uu ka garab ciyaaro Ollie Watkins kahor inta uusan dhammaanin heshiiskiisa amaahda ah ee uu kula joogo kooxda.
Rashford ayaa laba gool ka dhaliyay guushii Villa ay ka gaartay Preston North End tartanka FA Cup usbuucii hore, wuxuuna markale dhaliyay goolkii furitaanka ee Villa ay 3-0 kaga adkaatay Brighton fiidnimadii Arbacada horyaalka Premier League.
Xiddiga amaahda uga yimid Manchester United ayaa hadda leh saddex gool iyo afar caawin tan iyo markii uu bishii Janaayo kusoo biiray Aston Villa, waxaana uu u muuqdaa mid dib u helay kalsooni iyo firfircooni tan iyo markii uu ka tagay Old Trafford.
Watkins ayaa ciyaartii Brighton ku bilowday kursiga keydka, iyadoo Rashford laga ciyaarsiiyay weerarka dhexe ee Aston Villa. Si kastaba ha ahaatee, Emery ayaa sheegay inuu doonayo inuu labada weeraryahan isku geeyo mustaqbalka dhow.
Mar uu la hadlayay Sky Sports, Emery ayaa ka hadlay horumarka Rashford, wuxuuna yiri:
“Fariinta aan u dirayo waa inuu sii wado shaqada wanaagsan. Markuu daqiiqado badan ciyaaro, si jireed wuu u fiicnaadaa, wuxuuna dhalinayaa goolal badan. Waxaan u adeegsaneynaa weeraryahan ahaan si uu ula tartamo Watkins. Waxaa suurtagal ah inaan labadooda isla ciyaarsiino mustaqbalka dhow.”
Emery ayaa intaa raaciyay:
“Waxaan isku dayeynaa inaan ka faa’iidaysano tayadiisa. Hadda waa xilligii uu ugu kalsoonida badnaa.”
“Axadii, waxaan qorsheynay inuu weerarka ka ciyaaro, wuxuuna dhaliyay laba gool. Sidaas darteed, waxaan go’aansaday inaan mar kale isku dayo, wuuna dhaliyay mar kale.”