Saamilaha Manchester United, Sir Jim Ratcliffe, Ayaa Sheegay Inuu Ku Faraxsan yahay Bixitaanka Weeraryahanka Marcus Rashford Ee kooxda.
Rashford ayaa ka tagay Manchester United intii lagu jiray suuqa kala iibsiga bishii Janaayo, isagoo amaah ugu biiray kooxda ay xafiiltamaan ee Aston Villa.
Tani waxay timid kaddib markii xiddiga xulka England laga saaray qorshaha tababare Ruben Amorim.
Rashford ayaa laga reebay safka Man United kulamo dhowr ah kahor inta uusan ugu dambeyn ku biirin Aston Villa heshiis amaah ah inta ka dhiman xilli-ciyaareedka.
Waxaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto xagaaga, balse heshiiskiisa amaahda ee Villa wuxuu leeyahay ikhtiyaar ay kooxda ku iibsan karto.
Isagoo la hadlayay BBC, Ratcliffe wuxuu yiri: “Waan ku faraxsanahay in Marcus Rashford aan ka dirnay Manchester.”
“Waxaa laga yaabaa inay u fiicantahay isaga,” ayuu raaciyay.
Rashford wali gool uma dhalin Aston Villa, balse wuxuu sameeyay saameyn muuqata, isagoo caawiye ka noqday labo gool kulankii ay la ciyaareen Chelsea.