Bukayo Saka oo eedeeyay saaxiibkiisa Arsenal kadib markii uu ka hor istaagay inuu dhaliyo saddexleydiisii ugu horreysay ee Arsenal.
Bukayo Saka ayaa si kaftan ah u tilmaamay Kai Havertz inuu ka hor istaagay inuu dhaliyo saddexleydiisii ugu horreysay ee Arsenal, intii lagu jiray guushii 3-0 ee Champions League ee ay ka gaareen Monaco.
Wiilka ka soo baxay akadeemiyada Arsenal ayaa muujiyay qaab ciyaareed heer sare ah kulankaas, guushana waxay kooxdiisa ka dhigtay mid ku jirta boos aad u wanaagsan oo ay ku xaqiijin karaan ka qaybgalka tooska ah ee wareega bug-baxa.
Saka ayaa goolka furitaanka dhaliyay ka dib markii uu dhammeystiray kubbad hoose oo uu soo dhigay Gabriel Jesus. Waxa uu mar kale shabaqa soo taabtay markii uu ka faa’iidaystay khalad weyn oo ay kooxda Monaco sameysay ayagoo iskudayaya iney kubbadda gadaal kasoo dhisaan, taasoo u suuragelisay inuu xilli ciyaareedkan gaaro 9 gool iyo 13 caawin dhammaan tartamada.
Si kastaba ha ahaatee, Saka ayaa ku sigtay inuu ku raaxeysto saddexleydiisii ugu horreysay markii uu darbo hoose ku tuuray goolka, taasoo ku dhammaatay shabaqa ka dib markii ay ku dhacday Havertz iyo difaaca Monaco Thilo Kehrer. Saka ayaa si kaftan ah ugu maadsaday xiddiga Jarmalka, isagoo ku eedeeyay inuu “isku dhigay goolkii saddexaad.”
Saka ayaa u sheegay TNT Sport:
“Haa, wax yar ayuu ku xaday! Wuu isku dhex daray. Laakiin ha ka welwelin, wey soo socotaa [saddexley].”
Inkasta oo uu ka niyadjabsan yahay inuusan guriga la aadin kubbadda kulanka, Saka ayaa ammaanay saaxiibkiisa da’yarka ah ee Myles Lewis-Skelly, oo markii ugu horreysay si lama filaan ah uga soo muuqday liiska ciyaartoyda iyadoo dhaawacyo ay hareeyeen kooxda.