Arsenal waxa ay dooneysay in ay soo jarto farqiga dhibcaha looga hayo hogaanka horyaalka Premier League kulankii ay la ciyaareen Fulham ee ka dhacay garoonka Craven Cottage.
Kooxda Mikel Arteta ayaa caqabad kala kulantay markale Fulham, iyadoo gool looga naxsaday bilowgii markii Raul Jiminez uu gaaray sshabaa Gunners.
Arsenal ayaa goolkaas lagu nasiyay qeybta hore ee ciyaarta, waxaana Arteta uu murug u arkayay dhibco kale oo kaga luma Fulham oo adkesi badan sameysay.
Laakiin halista koornooyinka Arsenal ayaa markale la arkay, iyadoo saliba uu kulankii labaad oo xiriir ah shabaqa gaary.
Kulanka ayaa guud ahaan kusoo dhamaaday barbaro 1-1 ah taasoo caqaad weyn ku ah Arsenal oo hamigeedii tartanka horyaalka.
Laba waxyaabood ayaan ka baranay kulankii goordhaw kusoo idlaaday garoonka Fulham ee ka tirsanaa Premier League.
1. Halista Koornada Arsenal
Arsenal ayaa dhalisay goolal 𝟐𝟑 oo ku yimid koornooyin tan iyo bilowgii xili ciyaareedkii hore, waa in ka badan sadeed kooxaha kale ee Premier League.
Tani waxay muujineysa sida Gunners xili ciyaareedkaan halis badan ugu tahay kubadaha koornooyinka ah, oo cabsi badan ay ka muujiyaan kooxaha marka ay ka hor imaanayaa.
2. Dhibaatada dhaawaca Arsenal oo muuqata
Kooxda Arsenal ayaa waxaa dhaawac kaga maqnaa kulankii Fulhma ee caawa daafacyo badan oo muhiim u ah shaxda koowaad.
Liiska daafacyada Arsenal ee dhaawacan waxaa kamid ah Gabriel Magalhaes, Riccardo Calafiori, Ben White, Takehiro Tomiyasu, Oleksandr Zinchenko.
Arteta waxaa ka muuqada kooxdiisa in aysan la tacaali karin dhaawacyada tirada badan ee hoos u dhaca ku keenay xili ciyaareedkii Arsenal ee tartanka Premier League.
Gunners sida ka muuqata tartanka horyaalka waxaa ka horjoogsan kara dhaawac, maadaama aysan ka muuqan Arteta inuu iska furdaami karo xaaldaha qaar.