Kooxaha Manchester United iyo Arsenal ayaa si toos ah ugu loolamaya saxiixa xiddiga kooxda Bayern Munich ee Leroy Sane kaas oo qandaraaskiisu uu dhacayo xagaaga soo socda, iyadoo kooxda reer Jarmal ay u baahan tahay inay iska fasaxdo xiddiga garabka ka ciyaara. (BILD – Jarmalka)
Gunners ayaa sidoo kale qorshaynaysa in ay Manchester City kula tartanto xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Sociedad iyo xulka qaranka Spain Martin Zubimendi kaas oo iska diiday in uu u dhaqaaqo Liverpool xagaagii. (The Sun)
22 jirka daafaca uga ciyaara kooxda Nottingham Forest ee Murillio oo qaab ciyaareed cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedkan, waxana isha ku haya kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kuwaas oo labaduba u baahan in ay ku xoojiyaan difaacooda dhexe. (Sport-Spain)
Liverpool ayaa qorsheyneysa inay lasoo wareegto ciyaaryahanka PSV Eindhoven ee Ricardo Pepi, kaasoo sidoo kale ay xiiseynayaan Bayern, Borussia Dortmund iyo Atletico Madrid. (Caughtoffside)
Chelsea ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo daafac dhexe oo cusub, waxaana ay xulashada ku darsadeen daafaca Benfica Tomas Araujo iyo kan Bournemouth Illia Zabarnyi kuwaasoo ay macquul tahay in lagu daro kooxda Enzo Maresca. (Mirror)
Ka dib markii loosoo bandhigay kulaabashada Real Madrid, halyeeyga reer Spain Sergio Ramos ayaa iska indha tiray, waxaana uu wadahadalo horumar leh la bilaabay kooxda reer Brazil ee Corinthians. (Sport-Spain)
Aston Villa ayaa isha ku haysa da’yarka Man Utd daafaca bidix kaga ciyaara ee Harry Amass, waxaana la sheegay inay “xiisaynayaan mustaqbalka fog17 jirkaan. (TEAMtalk)
Red Devils ayaa miisaamaysa dalabka ee bisha Janaayo kuso qaadaneyso 21-jirka Dinamo Zagreb iyo Croatia Martin Batuina, kaasoo loo saadaalinayo inuu raaco wadada Luka Modric. (TEAMtalk)
Kooxda Tottenham Hotspur ayaa bilawday qorshe ay ku kordhineyso qandaraaska kabtanka kooxda Son Heung-min kaasoo sii joogi kara 2026. (Fabrizio Romano)