Ciyaaryahankii hore ee Arsenal Emmanuel Petit ayaa ku magacaabay Raheem Sterling niyad jabkii ugu weynaa xilli ciyaareedkan kooxda Arsenal.
Sida laga soo xigtay ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe, Sterling, oo haatan amaah kula jooga Arsenal, ma uusan qaban wax ku filan oo uu ku muteysan karo safka hore ee Gunners.
Petit, oo u soo ciyaaray labada kooxood ee Chelsea iyo Arsenal ee ka dhisan Premier League, waxaana uu sheegay in xiddiga heerka caalami ee dalka England uu hoos u dhac weyn ku yimid tan iyo markii uu ka tagay Manchester City.
Waxa uu u sheegay the Sun, “Raheem Sterling waxa uu ahaa mid ka mid ah saxiixyadii ugu niyad jabka badnaa xagaaga kooxda Arsenal sameyso.
Meesha uu yimid oo Arsenal ah uma fiicneyn isaga sidookale Chelsea kuma guuleysan hoos u dhac ayuu kujiraa tan iyo markii uu ka dhaqaaqay Sky Blue “ayuu hadalkiisa raaciyay halyeyga France.
Xididga Raheem Sterling Arsenal ayaa amaah kaga qaadatay suuqii ugu dambeeyay Chelsea, laakiin wax sameyn ah kuma yeelan imaatinkiisa kooxda Gunners.