Xidiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa shaaca ka qaaday taladii uu ka helay halyeyga kooxda Arsenal ee Arsene Wenger.
Isagoo la hadlayay kanaalka YouTube-ka ee Liverpool, Salah wuxuu sheegay in talada Wenger ay wax badan ka caawisay ciyaaryahan ahaan.
Xiddiga Masaarida ayaa sheegay in uu la kulmay halyeeyga reer France oo ugu yimid si uu ugu daawado garoonka tababarka Liverpool.
Waxaan talo ka helay Arsene Wenger ka hor, inta aan noqon ciyaartooy guuleystay” ayuu yiri Salah.
“Waqtigaas waxa uu joogay Melwood, waxaana waydiiyay, maxay ku kala duwan yihiin ciyaaryahan wanaagsan iyo ciyaaryahan aad u fiican?
Waxa uu yiri, ‘waxay ila tahay in ciyaartoy aad iyo aad u fiican uu had iyo jeer diirada saaro ciyaarta, xitaa hadii aanu awood lahayn, waxa uu doonayaa inuu bedelo ciyaarta.
Taas aniga ahaan way i caawisay, waxaa jiray ciyaaraha qaar oo aan laheyn dardar badan, laakiin mar walba waxaan diirada saaraa ciyaarta si aan farqi u sameeyo” ayuu hadalkiisa raaciyay Salah.
Macalinkii hore ee Arsenal Arsene Wenger ayaa inta badan lagu tilmaamaa inuu ahaa nin aqoon dheeraad ah u leh kubadda cagta islamarkaana uu caawiyay ciyaartooy badan io heer sarre la gaaray kubadda cagta.