Kooxda ay xifaaltamaan Manchester United Arsenal ayaa wax ka weydiisay weeraryahankeeda Marcus Rashford, kaasoo ay kooxda waqooyiga London ka dhisan ku doonayaan 21 milyan ginni. (Calciomercato – Italy)
Xiddiga khadka dhexe ee Liverpool Harvey Elliott ayaa xiiso ka helay kooxaha Brighton iyo Borussia Dortmund, iyadoo Reds ay dooneyso inay 21 jirkaan ku fasaxdo bisha Janaayo qiimo dhan 40 milyan ginni. (The Sun)
Barcelona ayaa qiimo aad u sareeya oo gaaraya 70 milyan oo euro ku dooneysa daafaca dhexe ee Ronald Araujo kaas oo bartilmaameed u ahaa kooxaha Arsenal iyo Juventus intii lagu jiray suuqan jiilaalka. (Fichajes – Spain)
Manchester United ayaa sidoo kale xiiso u qabta Araujo, tan iyo xagaagii hore. (Sport-Spain)
Manchester City ayaa hogaanka u haysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Eintracht Frankfurt ee Hugo Larsson. Xiddiga aadka loo qiimeeyo ee reer Sweden ayaa ku bixi kara lacag dhan 70 milyan oo Gini waxaana sidoo kale isha ku haya kooxaha Arsenal iyo Liverpool. (GIVEMESPORT)
Ka hor inta uusan dhicin qandaraaskiisa xagaagan, weeraryahanka Lille Jonathan David ayaa laga yaabaa inuu ka tago kooxdiisa bisha Janaayo, Manchester United iyo West Ham ayaa xoojiyay xiisahooda maalmihii la soo dhaafay. (Fichajes – Spain)
Xiddigaha Bayern Munich ee Leroy Sane iyo Joshua Kimmich ayaa labadooduba ku heshiiyay inay dib ula midoobaan tababare Hansi Flick oo hogaamiya Barcelona marka uu qandaraaskoodu dhaco bisha June. (El Nacional – Spain)
Kooxda Real Madrid ayaa qarka u saaran in ay soo afjarto bartilmaameedkooda mudada fog ee Alphonso Davies, Manchester United, Liverpool iyo Arsenal ayaa dhamaantood lala xiriirinayaa daafaca bidix ee reer Canada. (Sky Germany)
PSG ayaa aad u xiisaynaysa weeraryahanka Aston Villa Jhon Duran, waxayna dooneysaa in ay 65 milyan ginni ku qarash garayso weeraryahanka reer Colombia. Si kastaba ha ahaatee, Villa ayaa ku qiimeysay lambarkooda sagaalaad £80m. (Fichajes – Spain)
Chelsea ayaa diyaar u ah inay iibiso daafaca dhaxe ee Axel Disasi hadii mid ka mid ah kooxaha doonaya ay soo bandhigaan xitaa heshiis amaah ah oo la aqbali karo. Juventus ayaa haatan hogaanka u haysa baacsigaliisa. (Gianluca Di Marzio)
Kooxo badan oo ka socda Saudi Pro League ayaa u aqoonsaday labada ciyaaryahan ee Barcelona Frenkie de Jong iyo Raphinha inay ka qaadan karaan suuqa xagaaga. (Fichajes – Spain)
Kooxda Fenerbahce ee Jose Mourinho ayaa ka mid ah kooxaha doonaya daafaca bidix ee Arsenal Oleksandr Zinchenko. Kooxda difaacaneysa horyaalka Serie A ee Inter ayaa sidoo kale isha ku haysa xiddiga heerka caalami ee dalka Ukraine. (Fotospor – Turkiga)