Arsenal iyo Chelsea ayaa maanta mar kale ku kulmaya Emirates Stadium kulan kale oo London Derby ah.
Dhaawacyo ka haleelay weerarka ayaa caqabad ku noqday rajadii Arsenal ee ku guuleysiga horyaalka Premier League, balse rajo weyn ayaa ka muuqataa dhamaadka xaaladdaas.
Gabriel Martinelli ayaa dib ugu soo laabtay garoomada kulankii PSV Eindhoven Arbacadii, markaas oo kooxdiisu xaqiijisay booskeeda wareega siddeed dhammaadka ee Champions League.
Tababare Mikel Arteta wuxuu rajeynayaa in xiddiga reer Brazil uu diyaar u yahay inuu safka hore ku bilowdo, iyadoo sidoo kale la filayo in Bukayo Saka uu diyaar noqdo kadib fasaxa caalamiga ah ee bisha Maarso.
Mikel Merino ama Ethan Nwaneri ayaa u badan inay hogaamin doonaan weerarka Arsenal, halka Raheem Sterling uusan ciyaari karin maadaama uu amaah ku joogo kooxda ay la ciyaarayaan.
Kai Havertz, Gabriel Jesus iyo Takehiro Tomiyasu ayaa dhaawac ku maqnaanaya inta ka harsan xilli-ciyaareedkan, balse Arsenal wax dhibaato weyn oo dhaawac ah ma qabto. Xiddigaha Jurrien Timber, William Saliba, Thomas Partey iyo Martin Odegaard ayaa nasiino la siiyay kulankii PSV maadaama ay Arsenal horey u xasuuqday kooxda reer Holland 7-0 lugtii hore.
Isbuucii hore, Arsenal waxay barbaro 1-1 la gashay Manchester United, taasoo si weyn u wiiqday rajadoodii ay ku raacday Liverpool oo hogaanka haysa.
Dhinaca kale, Chelsea ayaa dib ugu soo laabatay wadada guusha kadib guuldarrooyin ay la kulantay, waxayna badiyeen labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaareen Southampton iyo Leicester City.
Sida Arsenal oo kale, Chelsea waxay sugeysaa ilaa fasaxa caalamiga ah ee bisha Maarso si ay dib ugu helaan ciyaartoyda muhiimka ah ee weerarka, iyadoo Nicolas Jackson iyo Noni Madueke la filayo inay diyaar u noqdaan kulanka Tottenham ee 3-da Abriil.
Cole Palmer ayaa la bedelay daqiiqadii 73-aad kulankii Leicester, isagoo xanuunsanaa kahor ciyaarta isla markaana khasaariyay rigoore. Xiddiga Ingiriiska ayaa sagaal kulan oo xiriir ah wax gool ah dhalin, balse wuxuu rajeynayaa inuu xaaladdaas dhameeyo marka uu wajaho Arsenal.
Reece James ayaa sidoo kale seegay kulankii Leicester xanuun darteed, taasoo keentay in Wesley Fofana loo beddelo daafaca midig, maadaama Malo Gusto uu isna dhaawac ku maqnaa.
James iyo Palmer ayaa labaduba tababarka ku soo laabtay Talaadadii, iyadoo sidoo kale Christopher Nkunku uu ka qeyb galay tababarka kooxda.
Shaxda la saadaalinayo ee Arsenal oo wajahaysa Chelsea
Goolhaye: Raya
Difaaca: Timber, Gabriel, Saliba, Lewis-Skelly
Khadka dhexe: Odegaard, Partey, Rice
Weerarka: Nwaneri, Merino, Martinelli
Shaxda la saadaalinayo ee Chelsea oo wajahaysa Arsenal
Goolhaye: Jorgensen
Difaaca: James, Fofana, Colwill, Cucurella
Khadka dhexe: Fernandez, Caicedo
Weerarka: Sancho, Palmer, Nkunku, Neto