Gallas, oo ka hadlayay hal ama laba waxa ay u baahan tahay Arsenal si uu ugu guuleysto koobab, wuxuu sheegay in ciyaartoyga Osimhen uu yahay waxa ay Gunners u baahan tahay si ay ugu tartanto horyaalka Premier League.
In kasta oo Gallas uu qiray dadaalka Mikel Arteta uu ku doonayo in Kai Havertz kaga ciyaarsiiyo weerarka dhexe, haddana wuxuu shaki ka muujiyay in ninka Jarmalka ah uu ku habboon yahay doorka weeraka Arsenal.
Havertz oo Arsenal kaga soo biiray Chelsea ayaa loo adeegsaday boosas kala duwan, balse waxa uu ku dhibtooday inuu saamayn wayn ku yeesho weerarka Arsenal.
Isagoo la hadlayay Metro, Gallas wuxuu yiri, Kai Havertz waligiis ma noqon doono ninka ku haboon inuu weerarka Arsenal hogaamiyo si ay u qaado horyaalka Premier League.
Havertz waa ciyaaryahan wanaagsan, laakiin ma ahan mid heer sare ah, waxay kooxda Arteta u baahan tahay Osimhen.
Arsenal ayaa ku dhibtooneysa qeybta weerarka xili ciyaareedkaan, waxaana aad loo dhaliilay qorshaha Kai Havertz uu ugu aaminay weerarkiisa tababare Arteta.