Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa xasuuqii uu weynaa u geysatay Chelsea oo ay dhax jiid-jiidday garoonka Emirates Stadium, waxaanay sii dheeraysatay hoggaanka horyaalka Premier League oo ay ku qabatay saddex dhibcood iyo goolal aanay cidina soo gaadhi karaynin.
Arsenal ayaa 5-0 ku burburisay Chelsea oo ahayd koox kala daadsan oo sida carruurta u dheelaysay, waxaana goolashan qaybsaday saddex ciyaartoy oo la saaxiibay shabaqa Blues ee hoyga u noqday kubbadaha ay kusoo tooganayaan ciyaartoyda Arsenal.
Kai Havertz ayaa laba gool ka dhaliyey kooxdiisii hore oo Chelsea, kuna dabbaal-degay, waxaana laba kale ku daray difaaca midig ee Ben White halka goolka furitaanka uu kaga nixiyey Blues xiddiga reer Belgium ee Leandro Trossard.
Ciyaartan oo ahayd mid dhinac kaliya ka socotay oo ay ciyaartoyda Arsenal siday doonaan ugu damaashaadayeen garoonkooda oo ay taageereyaashooduna waqti hore iska soo xaadiriyeen, ayaa daqiiqaddii afraad ee bilowga ciyaarta waxa Gunners hoggaanka u dhiibay Leandro Trossard oo kubbad uu garabka midig kala soo galay ka dhax-saaray lugaha goolhaye Petrovic.
Goolkan ayaa ahaa midka kaliiya ee dhashay qaybta hore, laakiin Chelsea ayaa uu nasiibku caawiyey oo illaa shan kubbadood oo kale oo goolal loo qaatay ay ciyaartoyda Arsenal la seegeen shabaqooda, waxaana ugu mudnayd fursad uu Havertz ka helay goolka hortiisa oo darbad uu ku qabtay uu goolhayuhu badbaadiyey.
Daqiiqaddii 52aad ayuu Ben White hoggaanka usii dheereeyey Arsenal oo uu u dhaliyey goolka labaad, balse Havertz ayaa shan dariiqadood oo kaliya kaddib ciyaarta ka dhigay 3-0, waxaanu si weyn ugu dabbaal-degay kooxdiisii hore isaga oo dhegaha is-qabtay.
Kai Havertz iyo Ben White ayaa mar kale kusoo noqday gool-dhalinta oo min hal gool saxeexay, iyadoo Gunners ay ku dhowaatay inay keento gool lixaad oo ay kubaddu birta kaga dhacday Fabio Vieira oo beddel kusoo galay.
Natiijadan ayaa ka dhigan, in Arsenal ay haysato 77 dhibcood, waxaanay saddex dhibcood ka horreysaa Liverpool oo Arbacada la ciyaaraysa Everton halka Man City oo laba ciyaarood baaqi u yihiin ay afar dhibcood ka dambayso Arsenal.
Iska saxa qoraalkiina khaas ahaa dhibcaha kooxaha. Waa markii labaad ee aan isla wiigan arkay idinka oo arinkaa qaldaaya.
Dhibaca Arsenal waa 77
Liverpool 74
Man City 73