Arsenal ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Kai Havertz uu seegi doono inta ka harsan xilli-ciyaareedka kaddib markii uu dhaawac dhanka muruqa ah (hamstring) ka soo gaaray xerada tababarka kooxda ee Dubai.
Kooxdu waxay shaacisay in Havertz lagu sameyn doono qalliin maalmaha soo socda kahor inta uusan bilaabin barnaamijkiisa soo kabashada.
Dhaawaca xiddigan waa dhirbaaxo culus oo ku dhacday Arsenal, maadaama ay hadda la’ yihiin weeraryahan sax ah, kaddib markii Gabriel Jesus hareeyay dhaawac kaddib qalliin dhanka jilibka ah.
Havertz ayaa xilli-ciyaareedkan door muhiim ah ka ciyaaray kooxda Mikel Arteta, isagoo saftay 34 kulan tartamada oo dhan, waxaana uu yahay gooldhaliyaha ugu sareeya kooxda iyadoo uu dhaliyay 15 gool.
Bayaanka Arsenal ayaa u qornaa sidan:
“Waxaan xaqiijin karnaa in Kai Havertz uu dhaawac dhanka muruqa ah kasoo gaaray tababarkii kooxda ee Dubai toddobaadkii hore.”
“Baaritaanno iyo la-tashiyo dheeraad ah ayaa xaqiijiyay in dhaawacu u baahan yahay qalliin, kaasoo la sameyn doono maalmaha soo socda. Waxa uu si degdeg ah u bilaabi doonaa barnaamijkiisa soo kabashada qalliinka kadib, waxaana la filayaa in uu taam u noqdo xilli-ciyaareedka xiga inta lagu jiro diyaar garowga preseason-ka.”