Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay dhaawac soo gaadhay xiddiga reer England ee Bukayo Saaka oo ka baxay ciyaartii goolal la’aanta kusoo dhamaatay ee Manchester City.
Bukayo Saka ayaa dhulka jiibsaday isaga oo xanuun dareemaya, waxaana u tegay dhakhaatiirta oo go’aamiyey in la beddelo oo aanu sii wadan karaynin ciyaarta.
Natiijada ciyaartan oo fursad ay hoggaanka kula wareegto u noqotay Liverpool oo laba dhibcood dhaaftay Arsenal, ayaa waxa markii ay soo dhamaatay warbaahinta la hadlay Mikel Arteta oo tafaasiil ka bixiyey dhaawaca Bukayo Saka oo lagu beddelay Gabriel Martinelli oo kasoo laabtay dhaawac uu ku seegay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey.
Mikel Arteta oo ka hadlayay dhaawaca Bukayo Saka ayaa yidhi: “Ma jiraan wax halis ah. Sida aad ogtihiin, usbuucyo yar ayuu maqnaa haddana dhibaato yar ayaa soo gaadhay.
“Waxa uu dareemayey daal. Maalin kaliya ayuu tababarka la qaatay kooxda ka hor kulankan. Waxa uu sameeyey tabarucaad badan, balse 90 daqiiqadood way ku badnayd.”