Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa shaacisay inay heshiis cusub oo waqti dheer ah ka saxeexday xiddiga reer Japan ee Tekhiro Tomiyasu oo shaki la gelinayey mustaqbalkiisa Emirates Stadium, waxaana sidaas kusoo afjarmay warar la isla dhaxmarayey oo sheegayay inuu laacibkani ka tegi
Takehiro Tomiyasu oo ay Arsenal kasoo iibsatay Bologna sannadkii 2021 ayaa si degdeg ah u saldhigay Emirates Stadium isaga oo labada difaac ee dhinacyadaba si isku mid ah uga ciyaara, laakiin waxa wiiqay dhaawacyo soo gaadhay oo sabab u noqday inuu lumiyo booskiisa.
Heshiiska uu Takehiro Tomiyasu kula jiro Arsenal ayaa dhacayey xagaaga 2025, waxaana hadda ay kooxdu ku qancisay inuu saxeexo heshiis cusub oo sannad ah oo sare u qaadaya mushaharkiisa,.
Tababare Mikel Arteta ayaa saxaafadda u sheegay inuu ku faraxsan yahay in Takehiro Tomiyasu uu sii joogayo kooxda oo ay wada-shaqayn doonaan, waxaana uu ammaanay awoodda dabiiciga ah ee laacibkan, adkaanta jidheed iyo maskaxda laacibkan oo uu ku sheegay mid heer caalami ah.
Si kastaba ha ahaatee, Takehiro Tomiyasu ayaa xilli-ciyaareedkan waxa uu Arseanl u saftay 20 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah maadaama uu inta badan u jiifay dhaawac, halka isugeyna uu ciyaaray 71 kulan oo kaliya.