Daafaca Arsenal, Jurrien Timber, ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u noqon doono kulanka Premier League ee kooxdiisu la ciyaari doonto Fulham toddobaadka dambe.
Xiddiga reer Netherlands, oo 23 jir ah, ayaa dhawaan ka qeyb qaatay UEFA Nations League, balse wuxuu seegay lugtii labaad ee wareega siddeed dhammaadka kadib markii uu dhaawac soo gaaray, taasoo keentay in baaritaanno lagu sameeyo.
Inkasta oo uu ka niyad jabay maqnaanshaha xulkiisa, warbixin ay qortay Standard ayaa sheegaysa in Timber uu si buuxda uga soo kabsan doono dhaawaca, isla markaana uu diyaar u noqon doono kulanka muhiimka ah ee ay Arsenal la ciyaari doonto Fulham.
Timber ayaa xilli-ciyaareedkan inta badan dhaawac ku maqnaa tan iyo markii uu Arsenal kaga soo biiray Ajax, waxaana soo laabashadiisu ay farxad u tahay tababare Mikel Arteta oo doonaya inuu xoojiyo safkiisa xilli ay Arsenal u dagaallamayso hanashada horyaalka Premier League.