Danny Murphy ayaa rumaysan in Liverpool ay tustay Arsenal iyo kooxaha kale ee horyaalka Premier League, sida la iskaga celiyo ee waliba looga adkaan karo Manchester City iyadoo xilli-ciyaareedkuna dhamaad yahay oo ay kaliya ka hadhsan yihiin min toban ciyaarood oo kaliya.
Barbarrihii ay Liverpool iyo Man City wada galeen, ayaa waxa ay keentay in hoggaanka Premier League ay la wareegto Arsenal oo haysata 64 dhibcood, waxaanay farqiga goolasha kaga sarraysaa Liverpool oo ay isku dhibco yihiin, halka Man City ay leedahay 63 dhibcood oo ay kaalinta saddexaad ku jirto.
Arsenal ayaa waxa ay 31ka March booqasho ugu tegi doontaa Manchester City iyadoo hoggaanka haysa, waxaanay u baahan yihiin inay guuleystaan si ay ugu sii negaadaan hoggaanka, haddii kale waxa ka faa’iidaysan doonta Liverpool iyo Man City.
Danny Murphy ayaa waxa uu sheegay, in bandhiggii Liverpool uu bannaanka soo dhigay diciifnimada iyo kala-daadsanaanta Manchester City, waliba iyadoo ay xiddigo badan ka maqnaayeen, waxaanu yidhi: “Way adag tahay, laakiin Liverpool dhawr jer ayay muujisay sida la iskaga celiyo Man City.”
Danny Murphy oo u ciyaari jiray Liverpool ayaa intaa ku daray: “Waxa aad u baahan tihiin ciyaartooyo jidh ahaan wanaagsan, orodkooduna dheereeyo inaad kala hor tagto Man City. Haddii aad haysato taas oo waliba ay ciyaartoydaadu haystaan maskax iyo aaminaad, dhibaato badan ayaad ku abuuraysaan Man City.”