Fabrizio Romano ayaa ku adkeysanaya in kooxda Arsenal ay ku qasban tahay inay bixiso lacagta lagu burburin karo qandaraaska Viktor Gyokeres haddii ay doonayaan inay la soo wareegaan suuqa Janaayo.
Weeraryahanka reer Sweden ayaa si isku mid ah u soo jiitay kooxaha waaweyn ee yurub Ka dib markii uu dhaliyay goolal badan xilli ciyaareedkii hore.
Gyokeres ayaa durbaba dhaliyay 12 gool isagoo sameeyay saddex caawin 11 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan.
Sanadkii la soo dhaafay, Gyokeres ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ku laabanayo England, iyadoo ciyaaryahankii hore ee Brighton loo badinayay inuu u dhaqaaqayo Arsenal, halka Chelsea sidoo kale ay kujireen xiisihiisa.
Dhibaatada ka hor istaagtay saxiixa 26-sano jirkaan kooxda Arsenal waxay aheyd qiimo qaali ah oo 100 milyan oo Yuuro in lagu burburin karo qandaraaskiisa.
Caqabadaas lagama yaabo in laga gumbo, haddii aysan ogolaan kooxaha bixinta lacagtaas sida uu qabo Romano.
Wariyaha reer talyaani ayaa kula taliyay Arsenal inay bixiyaan qiimaha lagu burburin karo qandaraaska weeraryahanka si ay ula saxiixdaan suuqa Janaayo.