Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa loo sheegay saddex ciyaartoy oo ay tahay inay la saxeexdaan suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, si ay ugu guuleysan karaan horyaalka Premier League ee labadii xilli-ciyaareed ee ugu dambeeyey ay waqtiga dambe lumiyeen hoggaankiisa oo ay Man City ka hor qaadday.
Gunners ayaa laba dhibcood oo kaliya ka dambaysay Manchester City oo sannadkii afraad oo xidhiidh ah ku guuleysatay horyaalka, waxaana Arsenal galaafatay guul-darro ay kala kulmeen Aston Villa oo fursad siisay Man City.
Halyeygii Arsenal iyo xulka qaranka England ee Ian Wright ayaa usoo jeediyey Mikel Arteta saddex ciyaartoy oo ay tahay inay la saxeexdaan, kuwaas oo laba ka mid ah ay ku filnaan doonaan inay si dhamaystiran oo baqasho la’aan ah ay u buuxiyaan boosaska William Saliba iyo Bukayo Saka.
Inkasta oo Ian Wright uu ka gaabsaday inuu magacyadooda ku dhawaaqo, haddana waxa uu Mikel Arteta u sheegay sidan: “Qof walba waxa uu ka hadlayaa baahida ay Arsenal u qabto inay la saxeexato difaac dhexe. Waxaynu u baahanahay difaac dhexe iyo garab midig. Waxaynu u baahanahay ciyaartoy buuxin kara booska Bukayo Saka, waxaynu u baahanahay ciyaartoy dabooli kara booska William Saliba iyo sidoo kale ciyaartoy kale oo khadka dhexe ah.”
Ian Wright ma aanu xusin booska No.9 oo la sheegayo in Arsenal ay ciyaartoy cusub la saxeexan doonto iyaga oo saluug ka qaba Gabriel Jesus oo kaydka la dhigay qaybtii dambe ee xilli-ciyaareedka, halka bilihii u horreeyeyna uu dhaawac ku maqnaa.