Halyeeyga Manchester United, Gary Neville, ayaa sheegay in Arsenal ay weli “rajaynayso” hanashada horyaalka Premier League, inkastoo Liverpool ay 2-1 kaga adkaatay Wolves Axaddii.
Kooxda Gunners ayaa hoos u dhigtay farqiga u dhexeeya iyaga iyo kooxda hoggaanka haysa afar dhibcood, ka dib markii Mikel Merino uu ka yimid keydka si uu laba gool uga dhaliyo Leicester City Sabtidii.
Laakiin Axaddii, Reds ayaa dib u jartay farqiga toddobo dhibcood, ka dib markii ay 2-1 kaga adkaadeen Wolves.
Luis Díaz iyo Mohamed Salah ayaa Liverpool u dhaliyay goolal, balse Matheus Cunha oo si qurux badan u dhaliyay gool daqiiqaddii 67-aad ayaa keenay in qaybta dambe ee ciyaarta ay noqoto mid xiiso leh.
Neville ayaa u sheegay Sky Sports:
“Waxay ahayd maalin wanaagsan oo reer Liverpool ah ay naxaristaan.
“Xitaa waxaan filayaa inay arsenal guul u aheyd, sababtoo ah Liverpool waxay si dirqi ah uga adkaatay Wolves oo aan u malaynayo inay si cajiib ah u ciyaareen, iyagoo la ciyaaraya Aston Villa iyo Man City kulamada soo socda.
“Mararka qaarkood, marka aad horyaal u tartamayso, waxaad la kulantaa kulan dadku filayaan inaad si sahlan u badin doonto, balse aad la kulanto ciyaar adag. Waxay hoggaanka ku hayeen 2-0, waxayna umuuqatay in ay goolal kale dhalin kareen, laakiin wuxuu noqday kulan adag.
“Dhamaanteen waxaan la kulannay ciyaaro noocaas ah, waana sababta ay natiijadu ugu wanaagsanaatay Liverpool.
“Laakiin sidoo kale, waa sababta Arsenal ay u eegi doonto ciyaarta ay la kulmayaan Arsenal, maadaama Liverpool si ciriiri ah u badisay.”