Weeraryahankii hore ee England, Les Ferdinand, ayaa aaminsan in Arsenal ay hanan doonto horyaalka Premier League haddii ay la saxiixato hal ciyaaryahan ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.
Arsenal ayaa haatan 6 dhibcood ka dambeysa Liverpool oo hoggaanka haysa, iyadoo horyaalku ay kahar san tahay 15 kulan.
Kooxda Mikel Arteta ayaa laba xilli ciyaareed oo xiriir ah si dirqi ah uga hartay hanashada horyaalka, iyagoo ka gadaal maray Manchester City oo rikoor taariikhi ah dhigtay. Balse, xilli ciyaareedkan City ayaa la daalaa-dhacayso qaab ciyaareed liita, taasoo fursad u siisay kooxaha kale inay tartamaan.
Si kastaba ha ahaatee, Ferdinand ayaa aaminsan in Arsenal ay jabin doonto rikoorka 21 sano oo aysan ku guuleysan Premier League, haddii ay lasoo saxiixato Alexander Isak oo ka tirsan Newcastle United.
Isak, oo ah weeraryahan Swedish ah, ayaa la rumeysan yahay inuu yahay bartilmaameedka riyada Arsenal, balse Newcastle waxay dul dhigtay qiimo ka badan £100m, taasoo ka dhigeysa mid adag in la helo xagaagan.
Isak ayaa ilaa hadda u dhaliyay Newcastle 54 gool 92 kulan, halka uu 18 gool dhaliyay 18-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.
Ferdinand, oo horey ugu soo ciyaaray Newcastle, Tottenham iyo QPR, ayaa sheegay in Isak uu Arsenal gaarsiin karo heer kale, wuxuuna xitaa saadaaliyay inuu noqon karo mid ka mid ah weeraryahanada ugu wanaagsan taariikhda Premier League.
“Dabcan, hadda waa weeraryahanka ugu wanaagsan Yurub,” ayuu Ferdinand u sheegay warbaahinta Sweden ee Expressen.
“Markii uu yimid Newcastle iyo Premier League, waan ogaa inuu yahay weeraryahan heer sare ah. Mar walba waa inaad waqti siisaa inuu la qabsado.”
Haddii Arsenal ay hesho Isak, waxay noqon kartaa midda ugu weerarka xoogga badan si ay ugu dambeyn ugu guuleystaan horyaalkii ay sugayeen tan iyo 2004.