Arsenal ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabyada u imaanaya 27-jirka reer Brazil Gabriel Jesus xagaagan. (The Athletic)
Gunners ayaa rajo ka qabta in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Italy Jorginho, oo 32 jir ah, uu iska diido xiisaha Juventus, Lazio iyo Napoli si uu u saxiixo qandaraas kordhin. (Standard)
Brighton ayaa isku dayi doonta inay tababare Kieran McKenna ka soo kaxayso Ipswich Town haddii tababare Roberto de Zerbi uu ka tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Guardian)
Tottenham ayaa bartilmaameedsanaysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea iyo England Conor Gallagher, oo 24 jir ah, iyo 23 jirka Feyenoord iyo weeraryahanka Mexico Santiago Gimenez xagaagan, halka ay sidoo kale isha ku hayaan daafaca Ingariiska ee Bournemouth Lloyd Kelly, 25. (Telegraph)
Everton ayaa lagu qasbi karaa inay iibiso goolhayaha England Jordan Pickford, oo 30 jir ah, haddii uu burburo hishiiska kooxda looga iibinayo shirkada 777 Partners. (talkSPORT)
Arsenal, Bayern Munich iyo Newcastle ayaa ka mid ah kooxaha ugu cadcad saxiixa 22 jirka khadka dhexe ee Everton iyo Belgium Amadou Onana. (Football Transfers)
Manchester United ayaa qorsheyneysa inay iska sii heysato tababare Erik ten Hag xilli ciyaareedka soo socda, madaama uusan jirin bedelkiisa saxda ah oo la heli karo. (The Athletic)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United iyo Portugal Bruno Fernandes, oo 29 jir ah, ayaa sheegay in mustaqbalkiisa Old Trafford uu ku xirnaan doono haddii ay kooxdu rabto inuu sii joogo wixii ka dambeeya xagaaga. (Telegraph)
Newcastle United laguma qasbi karo inay ku iibiso 26 jirka khadka dhexe ee Brazil Bruno Guimaraes wax ka yar 100 milyan ginni ama inay iska iibiyaan xiddiga Sweden Alexander Isak oo 24 sanno jir ah. (i Sport)
Newcastle ayaa ku dhow inay si xor ah kula soo wareegto 26 jirka daafaca uga ciyaara Fulham ee Tosin Adarabioyo. (The Sun)
Adarabioyo, oo sidoo kale xiiso ka helay AC Milan, Manchester United iyo Liverpool, wuxuuna ku wargaliyay Fulham inuusan heshiis cusub u saxiixi doonin marka qandaraaskiisa uu dhamaado xagaagan. (Daily Mail)
Borussia Dortmund ayaa ka fiirsaneysa inay dib u soo celiso tababaraheedii hore ee Jurgen Klopp iyadoo u magacaabeysa agaasimaha kubada cagta sannadka 2025ka. (Independent)
Fluminense ayaa soo bandhigtay soo jeedin rasmi ah oo ay kula soo saxiixaneyso daafaca Brazil Thiago Silva ka dib markii 39 jirkaan uu ku dhawaaqay inuu ka tagayo Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Fabrizio Romano)
Caawiyaha Feyenoord Sipke Hulshoff, madaxa bandhiga Ruben Peeters iyo falanqeeye Etienne Reijnen ayaa ku heshiiyey inay u raacaan macalin Arne Slot kooxda Liverpool. (Football Insider)
Juventus iyo AC Milan ayaa dareenkooda ka weeciyay Joshua Zirkzee sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan 22 jirka reer Holland ee Bologna inuu doorbido inuu xagaaga u dhaqaaqo Arsenal. (Givemesport)
Daafaca Barcelona iyo Uruguay Ronald Araujo, oo 25 jir ah, ayaa go’aaminaya inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda reer Spain iyo in kale iyadoo ay xiiseynayaan Manchester United iyo Bayern Munich. (Sport)