Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa lagu soo warramayaa in ay joojisay damaceedii xiddiga reer Brazil ee Rodrygo oo ay doonayeen in ay ka gudbiyaan dalab ay kagala soo wareeaan Real Madrid xagaaga. Laacibkan ayaa la sheeay inay suurtogal tahay in ay iibiso Real Madrid marka la gaadho xagaaga.
Real Madrid oo la filayo inay la saxeexato weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe ayaa waxa ay u badan tahay in uu waayi doono booskiisii joogtada ahaa, waxaana jira warar la isla dhax-marayo oo tibaaxaya in Los Blancos ay iibin doonto haddii ay ku hesho lacag macquul ah.
Wariyaha ciyaaraha ee Dean Jones ayaa sheegay, in Arsenal ay hore u doonaysay inay la saxeexato Rodrygo oo uu u qorshaysnaa in ay isku dayaan in xagaaga ay dalab ka gudbiyaan, laakiin ay hadda candhuuftooda dib u liqeen markii ay oaadeen mushaharka uu dalbanayo xiddigan reer Brazil.
Gunners oo doonaysa inay weerarkeeda kusoo kordhiso ciyaartoy kale oo uu tababare Mikel Arteta ku darsado xiddigaha uu kala xulanayo sida Bukayo Saka, Gabriel Martinelli iyo Leandro Trosaard, ayaa waxa la sheegay in Real Madrid ay dalbanayso £85 milyan oo Gini in lagaga iibsado Rodrygo.
23 jirkan ayaa sidoo kale dalbanaya in mushaharkiisu uu ka badnaado £200,000 Gini toddobaadkii, waxaana lacagta badan ee ay Madrid dalbanayso iyo mushaharka laacibkan ay ku qasbeen Gunners inay ka noqoto damaceeda.
Liverpool ayaa sidoo kale la sheegay in ay doonayso Rodrygo, balse waxa sidoo kale jira kooxo horyaalka Sucuudiga ah oo ka fiirsanaya inay dalabyo waalli ah ka gudbiyaan.
Rodrygo oo sannadkii 2019 ay Real Madrid kasoo iibsatay kooxda Santos ee waddanka Brazil ayaa xilli-ciyaareedkan u saftay 41 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu dhaliyey 13 gool iyo siddeed kale oo uu caawiyey.