Arsenal ayaa bilowday inay qaado tillaabooyinka ugu horeeya oo ay kusoo xero galineyso Matheus Cunha.
Weeraryahanka reer Brazil, oo haatan ka tirsan Wolverhampton Wanderers, ayaa soo jiitay dareenka macalinka Gunners oo u arka inuu yahay mid ku habboon dooqiisa weerarka.
25 jir, Cunha wuxuu isku darsaday dhalinyarnimo iyo waayo-aragnimo, waxaana si fiican profile-kiisa kaga helay Macallin Mikel Arteta.
Weeraryahanka ayaa Wolves kaga soo biiray Atletico Madrid bishii Janaayo 2023, markii hore heshiis amaah ah ayuu kula joogay, dhowr bilood ka dib kooxda Ingariiska ayaa go’aansatay inay si joogto ah u iibsato.
Hadda, waxa uu qandaraas ilaa 2027 kula jiraa Wolves, taasoo caqabad weyn ku ah wada xaajoodka Arsenal ku dooneyso ciyaaryahanka.
Arteta wuxuu raadinayaa weeraryahan cusub oo uu u dhaqaajiyo Garoonka Emirates Stadium suuqa January si uu ugu xoojiyo qorshihiisa tartanka Premier League.
Wadahadallada Arsenal ku dooneyso Cunha weli waa bilow, laakiin xiisaha Arteta ayaa u muuqda mid xoogan.
Haddii uu heshiisku dhaco, Cunha waxa uu noqon karaa mid ka mid ah heshiisyada ugu waaweyn ee kooxda London ka dhisan ka sameyso suuqa January.