Arsenal ayaa diyaarinaysa qorshe ay ku iibineyso saddex ciyaaryahan oo aan ka dhex muuqan kooxda, iyadoo suuqa kala iibsiga jiilaalka uu soo dhow yahay.
Sida laga soo xigtay Daily Mail, kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa diyaar u ah inay xagaagan iska dirto Marquinhos iyo Fabio Vieira, halka Nuno Tavares la qorsheynayo in la iibiyo xagaaga dambe.
Marquinhos
Da’yarkan reer Brazil, oo Arsenal ay kala soo wareegtay São Paulo bishii Juun 2022, ayaa laga heli karaa suuqa bisha Janaayo haddii ay dalabyo yimaadaan. 21-jirkan ayaa kaliya u saftay lix kulan kooxda kaddib markii uu yimid Emirates.
Fabio Vieira
Vieira ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu isaga tago Arsenal marka uu dhamaado amaahda uu ku joogo Porto. Gunners waxay kaga soo iibsatay Porto £32m xagaagii 2022, 42 kulan oo uu saftay – wuxuu dhaliyay saddex gool iyo sagaal caawin –tani ayaa lagu tilmaamay mid hoos uga dhacday filashadii Arsenal.
Nuno Tavares
Difaacan bidix ee reer Portugal, oo Arsenal ku soo biiray 2021 isaga oo kaga yimid Benfica, ayaa hadda ku maqan amaah hal xilli ciyaareed ah oo uu ku joogo Lazio. Lazio waxaa waajib ku ah inay si joogto ah u iibsato xiddiga haddii ay buuxiso shuruudaha looga baahan yahay, laakiin haddii aysan taasi dhicin, Arsenal ayaa isku dayi doonta inay iska iibiso xagaaga dambe.
Tavares ayaa u saftay Arsenal 28 kulan tan iyo markii uu yimid kooxda, isagoo amaah ku qaatay Marseille xilli ciyaareedkii 2022-23 iyo Nottingham Forest kahor inta uusan ku biirin Lazio.
Arteta ayaa doonaya inuu isbeddel ku sameeyo kooxdiisa si uu ula tartamo kooxaha kale ee horyaalka Premier League, isagoo si firfircoon u qorsheynaya suuqa kala iibsiga soo socda.