Arsenal waxay isku dayday inay lasoo saxiixato da’yarka Real Madrid ee Arda Guler – kaasoo booskiisa ku waayay kooxda Spain oo doonaya inuu isaga tago ka hor dhammaadka xilli ciyaareedka.Arsenal ayaa u muuqata mid ku fashilmatay saxiixa amaahda ah ee Raheem Sterling.
Gunners-ka waxay wali ka shakisanyihiin dhibcaha ay ka heleen Chelsea kahor nasashadii caalamiga ah, balse dhawaan ayay heli doonaan fursad ay isku saxaan.
Arsenal waxay ogtahay inay u baahantahay inay soo afjarto guuldarrooyinkii xiriirka marka ay Sabtida martigeliyaan Nottingham Forest, iyadoo farqiga u dhexeeya kooxda hogaanka Premier League uu durba yahay mid weyn.
Mikel Arteta ayaa wajahaya dhaawacyo badan oo aan sanado badan ka dhicin kooxdiisa.
Arsenal waxay rajaynaysaa inay lasoo wareegto da’yarka Real Madrid ee Arda Guler – oo ah ciyaaryahan kale oo ay isku qaab u ciyaaraan Odegaard, iyadoo uu ku dhibtoonayo inuu kasoo dhex muuqdo caasimadda Spain.
Kooxda Mikel Arteta ayaa haatan isku diyaarinaysa inay mar kale isku daydo inay qanciso kooxda Spain. Warbaahinta Spain ee Sport ayaa soo warisay in Gunners-ku ay rajaynayaan inay helaan xiddiga qaranka Turkiga waxayna wadahadalo la fureen da’yarkan.
Real Madrid waxay saxiixday 19-jirkan sanadkii 2023 isagoo ka yimid Fenerbahce waxayna siisay heshiis lix sano ah, balse wararka ayaa sheegaya in Guler uu ku qanacsanayn ku sugnaanshaha Bernabeu.
Gunners waxay sidoo kale lasoo saxiixdeen kabtankooda Martin Odegaard sanadkii 2021 kadib markii uu amaah ugu ciyaaray Emirates, heshiis ku kacayay £30 milyan. Odegaard waxa uu ahaa xiddig lagu tilmaamay da’yar mucjiso ah markii Los Blancos ay kasoo xulatay Strømsgodset, wax yar un kadib markii uu dhameystay 16 jirnimadiisa.
Odegaard wuxuu u saftay Real Madrid kaliya 11 kulan wuxuuna amaah ku joogay kooxaha Heerenveen, Vitesse iyo Real Sociedad kahor intaan kooxda La Liga aysan iibsan.