Kooxda kubadda cagta Arsenal waxa ay habeen dambe oo Salaasa ah garoonkeeda ku qaabbili doontaa naadiga ay isku magaalada Chelsea, waana ciyaar ay si weyn ugu xidhan tahay rajada Gunners ee horyaalka Premier League oo ku qasban inay guuleysato si ay usii tartami karto.
Arsenal oo kaddib ciyaarta Arsenal ay kusoo fool-leeyihiin Tottenham, Bournemouth, Manchester United iyo Everton, ayaa haddii ay guuleysan weydo ciyaartan waxa god madoow ku dhici doonta fursadeeda horyaalka Premier League, maadaama ay kulamo kale oo adag kusoo waajahan yihiin.
Gunners ayaase maanta ogaatay in Chelsea uu ka dhaawacan yahay ciyaartoygooda ugu goolasha badan ee Cole Palmer oo ka maqnaaday tababarkii maanta ee ay iskugu diyaarinayeen safarkooda Emirates Stadium.
Tababare Mauricio Pochettino oo saxaafadda la hadlay maanta ayaa sheegay, in Cole Palmer oo 23 gool u dhaliyey 11 kalena caawiye ka noqday xilli-ciyaareedkan, in uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Manchester City ee semi-finalka FA Cup, isla markaana uu shaki ku jiro inuu taam u noqonayo kulanka Arsenal.
Gunners ayaa hadalka Pochettino uu u noqonayaa nafis ay helayaan inta ka horreysa ciyaartaas, laakiin lama hubo in uu Palmer si buuxda uga maqnaan doono ciyaarta iyo in waqti dambe uu taam ahaanshihiisa dib u heli doono.
Arsenal ayaa haddii ay Chelsea ka adkaato, waxa ay hoggaanka horyaalka Premier League ku qaban doontaa saddex dhibcood maadaama Liverpool oo ay hadda isku dhibco yihiin ay Arbacada ciyaari doonto halka Manchester City ay Khamiista ka dheelayso.